BALIGUBADLE MEDIA
Reer Galbeedka oo Shaki Ka Muujiyay Sharaxaada Sucuudiga ee Geerida Khashoggi
October 21, 2018 - Written by admin

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo dowladaha midowga Yurub ayaa shaki ka muujiyay bayaankii ka soo baxay Sacuudiga ee ku saabsanaa geerida Jamal Khashoggi.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

kashogi

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan su’aalo badan oo aan wali laga jawaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa dalbadan in al sameeyo baaritaan buuxa.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhankeeda sheegtay in bayaanka Sacuudiga uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo looga baahan yahay in dilka saxafiga ay faafaahin ka bixiyaan.

Balse qaar ka mid ah dowladaha Carabta ee saaxibada dhaw la ah boqortooyada Sacuudiga ayaa war ays oo saareen waxa ay taageero ugu muujiyeen dowladda Sacuudiga.

Dhanka kale saraakiisha Turkiga ayaa waxay wacad ku mareen in ay soo bandhigi doonaan faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

Ingiriiska oo diiday in warbaahintooda lagu ammaano Sacuudiga
Dumarka Sacuudiga oo loo qaybiyay ruqsadda baabuur wadidda
Madaxwayne Trump oo difaacay Sacuudiga

Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda.

Saraakisha Turkiga ayaa markii hore sheegay in si ulakac ah gudaha qunsuliyadda loogu dilay kadibna meydkiisa la jarjaray.

Bilowgii Toddobaadkaan ayaa saraakil Turki ah oo aan magacooda la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaallo muujinaya dilka weriye Jamal Khashoggi.

Boqortooyada Sacuudi ayaa waxa ay wajahaysay cadaadis aad u xooggan tan iyo intii la waayay Mr Khashoggi.

Xigasho: bbc

COMMENTS