BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Isku Dhacyada Qoomiyadaha Dalkaasi.
October 4, 2018 - Written by admin

Raysal wasaaraha  dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta maamulada dalkaasi inay wax ka qabtaan rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha qaar.

aby axmed
Kumanaan kun oo qof ayaa ku barakacay rabshado dhexmaray qabaa’iilka qaar ee wada dega dalka  Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa difaacay isbadallada socda oo ay kamid yihiin furfurnaanta siyaasadda iyo soo afjaridda colaaddii xadka ee  u dhaxaysay dalka  ay deriska yihiin ee Eritrea.

Abiy Axmed ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta uu khudbaddiisii ugu horreysay uu ka jeedinayay shirka xisbiga EPRDF.

Wuxuuna ra’iisul wasaaraha ugu baaqay shacabka inay ka shaqeeyaan midnimada iyo amniga.

Raysal wasaare Abiy Axmed oo ka

hadlaya arimaha ku saabsan qoomiyadaha dalka Itoobiya ayaa waxa uu yidhi “Sheekada siyaasadeed ee qaran ma ahan in aan aragno aqoonsigeena kala duwan siaan tartan u galno balse  Iyadoo la xoojinayo taariikhdeena la wadaago, dhaxalka, fududeynta isdhaafsiga dhaqameed, dhammaanteen waa in aan si adag u shaqeynaa si aan u dhisno midnimada iyo qiimaha Itoobiya”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS