BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Xukuumadiisa Taageero Uga Raadinaya Koonfurta Hargeysa Iyo Kooxo Waji Ku Macaasha oo uu Soo Abaabulay
October 24, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland ayaa muddo sanad ku dhaw oo uu joogo xafiiska ku fashilmay inuu taageero buuxda xukuumadiisa uga helo magaaladda hargeysa waxaanay xukuumadiisu ku kaliyaysatay qaybo kamida waqooyiga hargeysa iyadoon saamayn ku lahayn qaybaha kale ee caasimadda sida koonfurta iyo bariga hargeysa kuwaasoo dhamaantood muncaarad adag ku ah xukuumadda madaxwayne biixi marwalba ku foogan sidii ay u fashilin lahaayeen kadib markii ay saluug wayn ka muujiyeen saami qaybsiga xukuumadda madaxwaynaha oo dhinac ka raran

shirjaraaid muuse

si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha ayaa markii uu arkay in xaalku ku xunyahay islamarkaana aanay magaaladii hargeysa gacanta ugu jirin marka laga reebo degmadda uu ka s jeedo bilaabay kooxo waji kumacaasha oo ku hadlaya afka deegaanadaas islamarkaana ka hadlaya warbaahinta iyagoo amaan afka baarkiisa ah u jeedinaya madaxwyanaha iyo xukuumadiisa kuwaas oo aan marka laga yimaado shilimaad yar oo ay qaateen aan aad ula dhacsanayn madaxwaynaha iyo xukuumadiisa

isku soo wada duuboo madaxwayne biixi ayay xukuumadiisu kasoo talaabi la’dahay waqooyiga hargeysa islamarkaana aan saamayn ku lahayn xaafadaha kale ee magaaladda taas oo keentay in madaxwayne biixi soo abaabulo kooxo waju kumacaashayaala

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS