BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Dhiiri Galinaya Jaamacadda Gaarka Loo Leeyahay Xilli uu Ka Muquurto Xafladaha Jaamacadaha Dawladda
October 4, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa iska xaadiriyey munaasibad loo qabanayey arday ka qalin jabinaysay jaamacada Golis oo aan lagu soo casuumin.

madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakhtigii uu soo galay hoolka xaflada loogu qabanayey ardayda qalin jabinaysay waxa waydaartay madaxweyne ku xigeenka somaliland oo munaasibadaasi lagu soo marti qaaday.

majaalilayste muuse

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa qiray inaan lagu soo marti qaadin xaflada jaamacada Golis ee uu sida kadiska ah iskaga xaadiriyey isla markaana cadeeyey in madaxweyne ku xigeenka lagu soo marti qaaday, waxaanu soo bandhigay sababta ku kaliftay inuu ka soo xaadiro.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey xaflada jaamacada ayaa waxa uu

yidhi “Aniga iyo madaxweyne ku xigeenku laba qorshe ayaanu saaka lahayn oo laba casuumadood ayaa yimid, midi waxay ahayd wasaarada cadaalada iyo bahda garsoorka oo loo furayey shirkii garsoorka dalka oo dhami iskugu yimid oo lagu gorfaynayey shanta sanadood ee soo socda, aniga ayaana laygu soo marti qaaday, midina waxay ahayd jaamacada Golis oo madaxweyne ku xigeenku lahaa.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas raaciyey “Markii aanu soo baxnay oo aanu halkaas dhexda soo marayno ayaan ku idhi qoladii ila socotay magaaladu ma wada aroosbaa, waayo gawaadhida cad cad ee lagu xidho laynka cas waxaan u aqaanay aroosyada, markaas ayaa laygu yidhi jaamacad ayaa qalin jabinaysa oo hada sida aroosyada ayaa loo sharaxaa, sidaas ayaanan ku ogaaday in jaamacadu qalin jabinayso, labada xafladoodna waxay noqdeen hudheelkan.”

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo bandhigay sababta uu xafladaas uga xaadiray “Dabadeed waxay noqotay ardayda intaas leeg oo qalin jabinaysa intaan xafladaas kale imaado oo aan xafladaas kale furo oo aan halkaas ka noqdo aniga iyo ardaydii colownay.”

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweyne Muuse Biixi uu dhaleecayn badan kala kulmay markii uu ka qayb gali waayey xafladii loo qabtay arday ka qalin jabinaysay jaamacada dawlada ee magaalada Burco, iyada oo wakhti dambe ay madaxtooyadu sheegtay inaan la soo marti qaadin madaxweyne Muuse Biixi.

Dhinaca kale dadweynaha ayaaa iswaydiinaya sababta uu madaxweyne Muuse Biixi u kala doortay jaamacada dawliga ah ee Burco  iyo jaamacada gaarka loo leeyahay ee Golis, iyada oo labadaba aan lagu soo marti qaadin balse uu jaamacada Golis iska xaadiriyey halka uu jaamacadii Burco-na ka muquurtay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS