BALIGUBADLE MEDIA
Mudaharaado Waawayn oo Lagaga Soo Horjeedo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo La Filayo Inay Ka Istaadhamaan Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo 31 May
October 13, 2018 - Written by admin

mudaharaado waawayn oo lagaga soo horjeedo golaha deegaanka hargeysa iyo hadalo aflagaado iyo shakhsi weerar u badan oo maayarka hargeysa kula kacay mid kamida culimadda waawayn ee caasimadda ayaa laga cabsi qabaa inuu maalmaha soo socda ka istaadhmo degmooyinkan iyadoo aan la saadalin karin heerka uu gaadhi karo mudaharaadkaasi maadaama oo maayarkii magaaladu qooqay islamarkaana ku kibray hantidii umadda ee uu sida xun u lunsaday

breaking news

ilowareedyo baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya inuu hadda gudaha caasimadda ka socdo shirar googoos ah oo lagaga arinsanayo hadalka soltelko iyo hadaladda xajiinta ah ee ka soo yeedhay beeshiisa kuwaas oo aanay ilaa hadda jirin cid talaabo ka qaaday oo dawladda ahi islamarkaana madaxwaynihii dalku uu si gaara ula safanyahay beeshiisa.

dhanka kale wararka aanu ka helayno mudaharaadka ayaa sheegaya inkastoo uu ku aadanyahay golaha deegaanka hargeysa inuu isku badali karo mid gabi ahaanba xukuumadda muuse biixi lagaga soo horjeedo maadaama oo muuse bixi si toosa ula soo saftay beeshiisa islamarkaana uu meesha ka saaray doorkiisii madaxwaynenimo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS