BALIGUBADLE MEDIA
Magacyadda Shaqsiyaad Ay Xiddid Iyo Xigto Yihiin Madaxweyne Biixi Oo Ruqsad Macdan Qodis Loo Siiyey Buurta Gacan-libaax
October 14, 2018 - Written by admin

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo wasaarada Macdantu ay buurta Gacan libaax ruqsad macadan qodis ah u siiyeen shaqsiyeed ku bahoobay shirkad gacan ku rimis ah ee magaceeda lagu sheegay Aabo Mininig Company, isla markaana ay saami ku leeyihiin shaqsiyaad Madaxweyne Biixi xidid iyo Xigaal yihiin, kuwaas oo qaarkood ay xilal ka hayaan Xukuumadda halka ay qaarna xilal hore ka hayeen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

muuse is casilaad

Ilo-wareedyo kala duwan oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxa kaloo ay xuseen inuu shirkada uu waxa ku leeyihiin Eng Cali Xoor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Wasiirka Cabdillaahi Abokor,kuwaas oo aan isa soo dhigi shaashada warqada heshiiska lagu galay, balse wakiilo ka dhigtay shaqsiyaad ku qoran warqada saamilayda shirkadan gacan ku sidka ah.

Dhinaca kale, bishii aynu soo dhaafnay ee Julay ayey ahayd markii Cagafyo la geeyey Buurta Gacan-libaax oo dadka deegaankaasi kala horyimaadeed diidmo sababi gaadhay khasaare nafeed iyo maal ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa imika dib u istaadhay hawl-gelinta shirkadan oo adeegsanaya Xubno calooshood u shaqaystayaal ah oo ka soo jeeda Beesha degta Buurta Gacan-libaax oo kala ah Caaqli Cabdiraxmaan Afey, Caaqil Ina Food iyo Cabdisalaan Faro nacab .

Halkan Ka Dheeho Magacyadooda Iyo Saamiga Lahaanshahoodda

Magac Saamiga Beesha

1-Xasan Maxamed Jaamac Qalaaf 7.69% Ciise Muuse

2-Axmed Xasan Jaamac 7.69% Ciise Muuse

3-Xuseen Maxamed Cumar 7.69% Ciise Muuse

4-Cumar Maxamed Warsame 7.69% Ciise Muuse

5-Xuseen Nuur Cabdi Raaf 7.69% Ciise Muuse

6-Mustafe Cabdi Cumar 7.69% Ciise Muuse

7-Maxamuud Muxumed Jaamac 7.69% Ciise Muuse

8-Maxamuud Maxamed Saleebaan 7.69% Ciise Muuse

9-Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf 7.69% Ciise Muuse

10-Mahad Maxamed Cumar 7.69% Ciise Muuse

11-Maxamuud Cali Jaamac 7.69% Ciise Muuse

12-Axmed Aw-nuur Muxumed 7.69% Ciise Muuse

13-Cawil Cali Sugule 7.69% Ciise Muuse

Magaca Xilka

1-Xasan Maxamed Jaamac Gudoomiye Ciise Muuse

2-Axmed Xasan Jaamac Gud/xigeen Ciise Muuse

3-Xuseen Maxamed Nuur Xoghaye Ciise Muuse

4-Cumar Maxamed Warsame Xubin Ciise Muuse

5-Xuseen Nuur Cabdi Xubin Ciise Muuse

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS