BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Daawanaya Kacdoonadda Shacbi ee Ka Istaadhay Agtiisa Iyo Dawladnimadii S/Land oo Qarka U Saaran Inay Burburto
October 19, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa u muuqda inuu nidaamkii dawladnimo ee somaliland ka doorbiday qof jeclaysi iyo qabyaalad waxaanu muddo todobaad ah daawanayaa xaalad cakiran oo ka dhex istaadhan gudaha caasimadda hargeysa taas oo keentay inay bulshadii caasimadu samaysato maayar u khaas ah kadib markii uu fashilmay duqii hore ee caasimadda cabdiraxmaan maxamud caydiid soltelko kaas oo la la’ yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii uu isagu gacantiisa ku sii istaadhay xaaladda kacsanaaneed ee ka istaadhnayd gudaha caasimadda

 

FB_IMG_1539087995667

madaxwayne biixi ayaan ilaa hadda laga hayn doorkiisii odaynimo ee caasimadda waxaanu isku daawayanayaa bulshadda caasimadda ee gadoodsan iyo dawladda hoose arintan ayaa muujinaysa sida madaxwayne biixi u fashilanyahay islamarkaana waxa la saadaalinayaa in maalmaha soo socda xaaladu kor uga sii kacd halka ay marayso

dhanka kale ciidamadda amaanka ayaa xabsiga u taxaabay maayarkii, ku xigeenkii iyo odayaal kale oo ka soo jeeda degmooyinka maxamud haybe iyo maxamed mooge waxaana loo baahnaa in door isu soo dhawayna xukuumaddu ka qaado balse talaabooyinka hadda socda waxay gaas iyo kabriid ku sii shidayaan xaaladihii hore u taagnaa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS