BALIGUBADLE MEDIA
Gudomiyaha Sonyo oo Guddida Doorashooyinka Ugu Baaqay Is Casilaad
October 18, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Dalada Dhalinyaradda Somaliland Ee Sonyo Cabdi Casiis Siciid Saalax ayaa Gudida Doorashooyinka Somaliland U Soo Jeediyay in ay isku casilaan si bilaa shuruud ah madaama oo xisbiyadda mucaaradka somaliland aanay wax kalsooni ah ku qabin in ay markale dalka ka qabtaan doorashooyin.

gudomiye sonyo

Guddoomiyaha ayaa madaxwaynaha somaliland mudane Muuse biixi cabdi isagana u soo jeediyay inuu sameeyo tanaasul suurto-galin kara in ay doorashooyin dalka ka dhacaan taasi oo wanaajin karta muraayada ay beesha caalamku ka arki karaan dalka somaliland.

“anagu waxaanu xalka u aragnaa iyaga oo dalka eegayaa dadka eegaya,dadkii ay u garnaqayeen oo asxaabta qaranka ahina halka ay

iska taageen eegaya waa in ay si muta-dawacnimo ah xilka iskaga casilaan si ay isku soo dhawaan shiyaha iyo is af-garadku iyo in hore loo socdaa u suurto gasho,anaguna waxaanu xalka u aragnaa hadii aan la kala roonaan roob hortu mada’ayo doorashana ma-dhacaysa.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Horn Cable Tv

Intaas waxa uu ku daray guddoomiyaha daladda dhalinyaradda somaliland Ee Sonyo isaga oo hadalkiisa siiwata.”madaxwaynaha hortu waxa looga baahan yahay inuu isagu sameeyo tanaasulka kowaad isaga ayaa haya hogaamintii qaranka,waxaanan ka sonyo ahaan soo jeedinaynaa in ay dib u bilawdaan wada hadaladii,waxaana inagu ceeb ah inuu mid waliba halkiisa ku adkaysto waxaana ay doonaynaa inuu mid waliba halkiisa ka soo kaca,asxaabta mucaaradka ahna waxaan ka codsanayaa idinka oo cadhaysan ama kacsan go’aamo ha-gaadhina umadda masiirkeeda ku xidhan yahay iyo horu-socodkeedu.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu u soo jeediyay inuu sameeyo xeerkii lagu dooran lahaa baarlamaanka cusub.”waad ogtihiin doorasho baarlamaan oo la qabto waxa inoogu dambaysay 2005-tii kuwaasi oo fadhiya laba iyo toban sano,waanan ku hambalyaynayaa guddoomiyaha baarlamaanka inuu yidhi diyaar ayaanu u nahay doorashooyinkii inaanu xilka wareejinana diyaar ayaanu u nahay,waxaanan guddoomiyaha leeyahay shuruucda doorashooyinka ee idin horyaala dhameeya si aanu u ogaano in ay idinka dhab tahay hadalkaas aad sheegaysaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS