Guddigii Loo Xilsaaray Baadhitaanka Buuggii Cayda Gabdhaha Oo U Muuqata Inay Faraha Kala Baxday Hawshaasi
October 4, 2018 - Written by admin
Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Horraantii Bishii Lasoo Dhaafay Ee Sebtemper Guddi Ka Kooban Toddoba Xubnoood U Saaray Buug Uu Hore U Qoray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Guri-Barwaaqo’.
Guddigaasi Ay Golaha Guurtida Somaliland U Saareen Buuggaasi, Ayaa Ujeedadu Ahayd Inay Baadhis Ku Soo Sameeyaan Heerka Fadeexada Ka Baxsan Anshaxa Qoraalka Ee Uu Daabacada Geliyay Guri Barwaaqo Kuna Bandhigay Caydaasi Gabdhaha .
Buuggani Ayaa Buuq Badan Ka Dhaliyay Gudaha Waddanka Iyo Debeddiisa Ka Dib Markii Qaar Kamid Ah Hablaha Beelaha Degga Somaliland Ka Soo Cawdeen Oo Ay Sheegeen In Ay Ku Jiraan Gabayo Lagu Cayayo Iyaga Kaasi Oo Sharaftooda Wax Loogu Dhimayo
justify;”> Guddigani Ayaa Sidoo Kale Ay Ka Mid Ahayd Qorshaha Loo Saaray, Inay Baadhis Kusoo Sameeyaan Saameynta Ka Dhalatay Buuggaasi Uu Wasiirku Qoray.
Hadaba iyadoo Muddo Bil Ahi Kasoo Wareegtay Mudadii Guddigaasi La saaray isla markaana wasiirka oo ay sugayeenna wadanka haatan kusoo laabtay , Ayaanay ilaa imika Wax Talaabo Ah Oo Ay Qaadeen Jirin ,Taasi Oo Bulshaduna Si Weyn Isu Weydiinayaan,Asbaabaha Hakadka Geliyay,Hawshoodii.
Buuggan Uu Wasiirku Qoray Ayaa La Sheegay In Ku Xardhan Yihiin Gabayo Cay Iyo Aflaagaddo Ah Oo Ay Rag Hore Tiriyeen,
Iyadoo Gabayadaasi Qaarkood Xaal Lagu Kala Qaatay Isla Markaana La Garan Waayay Sababta Wasiir Guri-Barwaaqo Uu Dib Ugu Soo Cusboonaysiiyey,Iyo Ujeedada Uu Soo Noolayntaasi Macno-Darrada Ah Ka Lahaa.
Daabacaadda Caydan Gabdhaha, Badheedh Ka Ahayd, Kana Lahaa Ujeeddo Sal Balaadhan,Oo Aan La Fahmi Karin.
Iyadoo Dadkaasi Aqoonta U Leh Guri Barwaqo, Doodaasi U Cuskanayaan,In Haddii Rabitaankiisu Ahaa Inuu Tusaale Ka Bixiyo Suugaanta Lagu Af Xumeeyay Haweenka Soomalida Qaarkood,Uu Dhammaanba Kusoo Qaadan Lahaa, Balse Aan La Garan Karin

Sababta Uu Gaarka Ama Goonida Ugula Baxay Ama Ugu Bandhigay Gabdhaha Beesha Ciida Gale,Daabacaada Buugana U Geliyay.Keligood.
Iyadoo Ay Jiraan In Ka Badan Toban Gabay Oo Lagu Aflagaadeeyay Haween Kasoo Jeeda Beelo Kala Duwan Oo Xataa Kuwo Beeshiisa Loo Tiriyay ka mid yihiin.
Qodobkaasi Oo Runtii Ah Kan Abuuray Cadhada isla markaana Xambaarsan Cunsuriyadda Iyo Xumaanta Oo Isagu Noqday Kan Aan Ilaa wakhtigann Cudur Daarka Loo Haynin Ee Bulshadu Debed Iyo Gudo Liqi Kari La’a Yihiin.
Sidoo Kale Waa Qodobka Kellifay Ayaa La Odhan Karaa in Badiba Shacbiga Somaliland Iyo Beesha Gabdhahaasi Kasoo Jeedaanba Dalbadaan In Talaabada Sharci Ee ku Habboon La Waafajiyo Kiiska Ninkaasi Wasiirka Ka Ah Xukuumadda Muuse Biixi,
Halka Sidoo Kalena Ay Qayb Ka ahayd Dalabkaasi Sidii Dab Loo Qabadsiin Lahaa Daabacadda Buugaasi,Xayiraadna loo saari lahaa Daabacaadiisa Danbe
[email protected]
Like this:
Like Loading...
COMMENTS