BALIGUBADLE MEDIA
Gabadhii u Doonayd Jamaal Khaashogji oo Ku Gacan Saydhay Dalab Uga Yimi Madaxwayaha Maraykanka
October 27, 2018 - Written by admin

Gabadhii u doonayd weriyaha Sacuudiga u dhashay ee la dilay Jamaal Kaashogji ayaa sheegtay inay diiday casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah inay booqasho ku tegto aqalka cad ee looga arrimiyo dalkaasi.

Hatice Cengiz ayaa ku eedeysay Mareykanka in uusan daacad ka ahayn baaritaanada dilka ninka ay isguursan rabeen.

khaashuqji

Gabadhan oo ilimaynaysay ayaa kasoo muuqatay wareysi telefishinka Turkiga uu la yeeshay,waxayna ka hadashay sida uu dareenkeeda ahaa maalinkii ay waaysay Jamaal Khaashogji isla markaasna waxay sheegtay haddii ay ogaan lahayd in Sucuudiga ay doonayaan inay dilayaan Jamaal aysan u ogolaanin inuu galo qunsuliyadda.
Waxaan codsanaya in dhammaan dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Kaashogji la ciqaabo, maxkamadda la horkeeno” ayay tiri Hatice Cengiz.

Hatice Cengiz waxay sidoo kale sheegtay in saraakiisha Sucuudiga aysan lasoo xiriirin ila hadda balse aysan tegin doonin Sucuudiga si ay uga qayb gasho aaska Kaashogji inta laga helayo maydkiisa.

Kaashogji ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Turkiga saddex toddobaad ka hor.

Xukuumadda Riyaadh waxay beenisay in qoyska boqortooyada ay wax ka ogaayeen dilka weriye Jamaal.

Dacwad oogaha guud ee Sucuudiga wuxuu ku tilmaamay dhacdada dil si ula kac ah loo gaystay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu mar sii horreysay ka dhawaajiyay in uusan ku qanacsanayn sida Sucuudiga uu uga warbixiyay dhacdada balse wuxuu sheegay suurtagalka cunaqabataynta inkasta oo uu carabka ku adkeeyay saaxibtinimada kala dhexeyso Sucuudiga.

Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa wacad ku maray in la ciqaabi doono dhammaan dambiilayaasha ka dambeeyay dilka Weriye Jamaal Kaashogji.

Maxamed bin Salmaan oo dhawaan ka hadlayay shirka ganacsiga ee magaalada Riyadh ayaa sheegay in dilka Jamaal uu ahaa mid xannuun ku reebay dhammaan dadweynaha Sucuudiga.

Xigasho: Bbc Somali

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS