BALIGUBADLE MEDIA
Falanqaynta Khudbadii Madaxwayne Biixi Iyo Xalka Rasmiga ah ee Looga Fadhiyo.
October 21, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi wuxuu maalintii shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa ku soo bandhigay ismarinwaa baahsan oo ka dhex aloosan isaga iyo axaabta muncaaradka madaxwaynuhu wuxuu bulshadda la wadaagay macluumaddo ku saabsan halkuu khilaafku ka bilaabmay meeluhuu sooo maray iyo qodobadda la isku mari la’ yahay

majaalilayste muuse

khudbada madaxwaynaha waxa gabi ahaanba ka madhnayd astaan hogaamineed waxay soo bandhigtay inaan wali madaxwaynuhu ku niyad samayn inuu bulshadda somaliland 100% madaxwayne u yahay wuxuu si gaara u fogaynaayay xisbiga waddani iyo taageerayaashiisa oo uu ka dhigay in cirro madaxwayne u yahay waxa ka muuqatay inaanay wali ka daadagin inuu taageerayaasha axsaabta dhamaantood madaxwayne u yahay waxa hadaladiisa laga dheenayay faham la’aan dhinaca sharciyadda ah waxaana wajigiisa ka muuqatay cadho saa’id ah taas oo aan la garanayn cidda uu u cadhaysnaa

madaxwayne biixi oo tan iyo intii uu la wareegay taladda dalka shirarka jaraa’id ee uu qabto ku tiriya caqabadaha dalka haysta ayaan wali garawsanin inuu isagu yahay cida laga doonayo inay xaliso caqabadaha dalka ka taagan waxaanad moodaa inuu wali madaxwaynuhu yahay gudoomiyihii kulmiye balse aanu wali si rasmiya ula wareegin taladda dalka maadaama oo aanay jirin wax talaabo wayn ah oo uu u qaaday xaga hore

arinta siyaasiga ah ee lagu tijbaaninay sida uu ka yeelo ayaa ahayd khilaafka axsaabbta iyo kulmiye balse waxa wali madaxwaynaha ka maqan doorkiisii hogaamineed ee uu ku xalin lahaa qadiyadan waxaanu ku dhaqmayaa midi mindi ku taag taas oo aan dan u ahayn qarankan waxaana xusid mudan in madaxwaynuhu u baahan yahay gurmad degdega oo siyaasiya.

si kastaba ha ahaatee khudbadii madaxwayne biixi waxa ka muuqata cadho baahsan taas oo aan lagaranyn cida uu u cadhaysnaa iyo sidoo kale bisayl la’aan dhinaca hogaaminta ah isagoo aanay wali hogaamintu waxba ka badalin shakhsiyadiisii hore ee lagu yaqaanay

guntii iyo gabagabadii xalka qodobadii siyaasiga ahaa ee uu tiriyay madaxwaynuhu cida looga fadhiyaa waa isaga cidda loo baahanyahay inay dadka isku hayso tanaasulka badana muujisaa waa isaga waa hadii uu isu dhigayo madaxwaynaha qaranka somaliland

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa

 

COMMENTS