BALIGUBADLE MEDIA
Doorashadii Golayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanka oo Dib U Dhacaysa, Madaxwayne Biixi oo Masuuliyadiisii Gabay Iyo Muddo Kordhin Lagu Hawlanyay
October 31, 2018 - Written by admin

doorashadii Golayaasha Wakiiladda iyo deegaanka ayaa la filayaa inuu markale dib u dhac baahsani ku yimaado kadib markii uu madaxwaynaha somaliland ku guuldaraystay inuu soo afjaro khilaaf dhinaca komishanka ah oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhexeeyay axsaabta muncaaradka iyo xukuumadiisa.

news

khilaafkan oo ahaa mid muddo soo taagnaa ayaa dhaliishii lagu eedaynayaa madaxwayne biixi oo doorkiisii hogaamineed meesha ka baxday islamarkaana muujina waayay tanaasul badan oo madaxwaynenimo maadaama oo uu isagu ahaa madaxwaynaha umadda balse madaxwayne biixi ayaa u muuda mid la qasanaya axsaabta muncaaradka ah islamarkaana aan wali aaminsanayn doorkiisa madaxwanenimo ee dalka

xukuumadda somaliland ayaa wada qorshe ay ku golaha guurtida ugu gudbinayso in muddo laba sanno ah loo kordhiyo golayaasha deegaanadda iyo wakiiladda maadaama oo aanay doorshadoodii dhacayn.

dibu u dhaca doorashooyinka ayaa somaliland ka noqday wax iska caadi ah iyadoo muddo dhaafka golaha wakiiladdu ku dhaw yahay saddex teeram halka golaha deegaanku uu isagu qarka u saaran yahay laba teeram

si kastaba ha ahaatee nidaamka doorashooyinka somaliland ayaa qarka u saaran inay gabi ahaanba meesha ka baxaan iyadoo madaxwayanaha hadda joogaa doorasho uu qabto iska daayee ay ku taagtay hogaaminta xukuumadiisa oo dhaliilo badani dul hooganayaan

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS