BALIGUBADLE MEDIA
Dilka Kashoggi Waxa La Sii Qorsheeyay Maalmo Kahor”Madaxwayne Erdogan”
October 23, 2018 - Written by admin

Dilka saxafi Jamal Khashoqji waxaa la sii diyaariyay maalmo ka hor, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga oo la hadlaya xildhibaannada xisbigiisa talada haya.

Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu ay arruuriyeen caddaymo xoog badan oo sheegaya in saxafiga Sacuudiga dhaliili jiray loo dilay qaab la sii qorsheeyay.

 

Turkey-Erdogan-Dastuurka

Wuxuu sheegay in labadii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Wuxuu dalbaday in dadka la hayo lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

Waxaa kale oo uu dalbaday in Sacuudigu uu sheego meesha uu ku dambeeyay maydkii wariye Jamal iyo cidda amartay hawlgalkaas.

Erdogan ayaa xaqiijiyay in Sacuudigu uu xiray

18 ruux oo kiiska dilka lala xidhiidhiyay. Sikastaba ha ahaa muu shaacinin faahfhinta cadaymaha ay aruuriyeen ee dilka ku saabsan.

muu soo hadal qaadin wax cod ah ama muuqaal ah oo la xidhiidha dilka saxafiga, arrintaas oo saxaafaddu ay hadal haysay.

Erdogan wuxuu sheegay in 15 qof oo Sacuudi ah oo saddex koox isu kala qaybiyay ay Istanbul ka dageen iyaga oo duulimaadyo kala duwan adeegsanaya, kuwaas oo magaaladaas tagay maalmihii iyo saacadihii ka horreeyay dilka.

 

Xigasho: BBC Somali.

COMMENTS