BALIGUBADLE MEDIA
Cabdi Illey oo Lagu Eedeeyay In Gacanta Lagu Soo Dhigay Xilli uu Ka Baxsanayay Jeelka
October 20, 2018 - Written by admin

Ciidamada Danbi Baadhista ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in Madaxweynihi hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar uu isku dayay in uu ka baxsado Xabsiga, ka dib markii uu jajabiyay daaqada Qolka uu ku jiray.

Markiii uu cabasho hore uga muujiyay qolka uu ku jiro ayaa waxa ay ciidamada Xabsiga Maamulaa u wareejiyeen Qol kale, hasayeeshee waxa uu ku dacwoonayaa in qof madaxa ka jiran oo lagu ag xidhay xidhay uu ku soo tuuray dhagax isla markaana sidaas uu ku jabiyay Daaqadii uu ku jiray, hasayeeshee ay sharaf dil ku tahay in lagu soo eedeeyo in uu damacsanaa in uu ka  baxsado qolka uu u jiro.

cabdi illey

waxa kale oo uu ku dooday in qofka wax ku soo tuuray uu damacsanaa in uu naftiisa dhaawac u geysto, hasayeeshee aanay marnaba ka suurtoobin uu isku dayo ka baxsashada xabsiga uu ku jiray.

Hase ahaatee, Cabdi wuxuu soo jabiyey muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay “inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneysto”.

Wuxuuna intaa ku daray “Waxa laga sheegay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaadis aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaasab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isagu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jabiyey oo uu waxyeella u geysan gaadhay xaaladdaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.”

“Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraray” ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay.

“Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro uu kala kulmay.”

Dambi baadhaha kiiska Cabdi gacanta ku hayana wuxuu maxkamadda horteeda uu ka sheegay “inuu Cabdi uu ku xidhan yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xidho, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana aanu jirin.

Wuxuuna dambi baadhuhu intaa ku daray “boolisku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay isla-markaana raalli gelin uu ka bixiyey.”

Booliskuna waxay maxkamaddu weydiisteen “10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cabdi baadhitaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.”

Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u muddeysay in cabdi Maxkamadda la keeno 29-ka bisha October.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS