BALIGUBADLE MEDIA
Bilaa Camal Markii Ugu Horaysay Hadheeyay Madaxwaynaha Somaliland Iyo Faham La’aanta Xilka uu Hayo oo U Sababa
October 4, 2018 - Written by admin

mad Jaamacadda Golis Oo Ku Taala Magaaladda Hargeysa saaka xaflad balaadhan ugu qabatay arday ka qalin jabisay kulliyaddaha kala duwan ee jaamacadaasi.

Golis oo ka mid ah jaamacadaha Gaarka Loo leeyahay ayaa waxa ay saaka markii ugu horeysay nasiib u heshay in ay isugu yimaadaan qalin jabinteeda Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo lagu soo marti qaaday iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku soo leexday higilka jaamacadaasi.

muuse iyo saylici

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo goor horeba iska xaadiriyay Xafladda Jaamacada Golis, ka dib markii xafiiskiisa loogu geeyay Kaadhka Marti Qaadka ayaa dibada uga baxay hoolkii ay ka dhacaysay xafladu, markii uu si kedis ah u soo galay xarunta ay xafladu ka dhacaysay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Arrintan ayaa fajaciso ku noqotay shacabka Somaliland, waxaana  dadka faalleeyay arrintaasi ay ku sifeeyeen in ay tahay laba mid uun, jacayl uu madaxweynuhu u qabo jaamacadaha la jaalka ah, maadama aanu ka qayb gelin Qalin Jabinta Jaamacadaha Burco iyo Ceergaabo oo ay dawladdu gacanta ku hayso.

Halka qodobka labaad ee dooda dadka arrintaasi faalleeyay ay ahayd in aanay jirin shaqo ka socota Madaxtooyadda, maadama Madaxweynihii Iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiiba ay isugu yimaadeen taariikhda markii ugu horeysay xaflad qalin jabinta jaamacad gaar loo leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee Warsaxaafadeed dhawaan Laga soo saaray Madaxtooyadda Somaliland oo jawaab u ahaa dhacdadii Jaamacada Burco ayaa dulucdeedu ay ahayd in aanu Madaxweynuhu ka helin jaamacadaasi Marti qaad, hasayeeshee saaka oo ay iska cadayd in aan lagu soo marti qaadin Xafladda Qalin Jabinta Jaamacada Golis ayaa lagu dhex arkay isaga oo si kedis ah u soo galay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS