BALIGUBADLE MEDIA
Wakiilkii Hore ee QM u Joogay Somalia Micheal Keatig oo Xil Cusub loo Magacaabay
October 31, 2018 - Written by admin

Ergaygii Hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating, ayaa loo magacaabay xil cusub, kadib markii uu waayay xilkii uu ka hayay Somalia horaantii October.

micheal keating

Mr Keating, ayaa lasoo shaqeeyay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda loo magacaabay agaasimaha Machadka Nabadda ee Qaaramada Yurub. iyadoo Machadkaasi uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay ku faraxsan yihiin xilka loo dhiibay Keating.

Michael Keating, ayaa xilkaasi kala wareegaya Martin Griffiths oo hadda ahaa agaasimaha machadka Nabadda ee Qaaradda Yurub, waxaana la shaaciyay inuu xilka qaban doono 5 November.

Agaasimaha hadda ka tagaya xilka Agaasinka Machadka Nabadda ee Yurub, ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen, oo colaado ay halakeeyeen.

Mac-hadkan oo uu fadhigiisu yahay Brussels, ayaa waxaa uu leeyahay 31 shaqaale joogto ah, waxaana Keating sugeysa in uu maamulo miisaaniyadda sanad laha ah ee Mac-hadka oo gaareysa Sagaal Milyan oo Yuro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS