BALIGUBADLE MEDIA
Yuusuf Garaad oo Ka Hadlay Dil Foolxun oo Dhinaca Haybsooca ah oo Todobaadyo Kahor Ka Dhacay Muqdisho
September 29, 2018 - Written by admin

Wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay dilkii foosha xumaa ee magaalada Muqdisho loogu gaystay alle haw naxariistee Axmed Mukhtaar Saalax(Axmed Dowlo).

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook waxa uu sheegay inuu cambaaraynayo falkaasi, isaga oo baaqna u diray madaxweyne Farmaajo.

yuusuf garaad
Yuusuf Garaad ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Mas’uul iyo Muwaaddin kasta oo Soomaali ah oo daneynaya in Soomaaliya ay hesho nabad waarta iyo caddaalad sugan, kuna tallaabsato horumar muuqda waa in uu u dhabba galaa waxna ka qabtaa ama ugu yaraan uu ka yiraahdaa dilka Allah ha u naxariistee Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed – Dowlo).

Waxaa la ii sheegay in Axmed nolosha lagu gubay xaafadda Towfiiq, Degmada Yaaqshiid, caasmiaddeenna Muqdisho Kahmiis ay bishan September ahayd 20, sannadkan 2018.

Muwaaddin Axmed waxaa lagu dilay maxaad u noqotay qabiilka aad tahay! Ma isagaa doortay oo ku biiray mise Allah ayaa ka beeray? Si kale haddii aan u dhigo waxaa lagu dilay, maxaa aabbahaa kuu dhalay!

In qarnigan muwaaddin Soomaali ah ay Soomaali kale nolosha ku gubto, isla markaana aan Dowladda iyo shacabkuba aanay aad uga gilgilan oo kaalinta kaga aaddan ka soo bixin si aan lala daahin, waxay diri kartaa farriin gurracan, waxayna dib noogu celineysaa casri jaahiligii ka horreeyay diinteenna.

Anigu si adag ayaan u cambaareynayaa falkaas ciddi geysatay iyo cid kasta oo ka raalli ah. Madaxdeydana waxaan ka dalbayaa in ay baaritaan iyo xaqiijin ka dib ay sugaan caddaaladda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS