BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi Saddex ayay ka matashaa Dawladdii dhacday ee Madaxweyne Cabdi Iley
September 2, 2018 - Written by admin

Mujaahid Cabdi Muxumed Ismaaciil (Cabdi-DHUUX) ayaa waxa uu sheegay inay dawlada uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ay saddex ka metesho dawladii dhacday ee Cabdi ILEY,isla markaana waxa uu soo jeediyay talooyin wax ku oola.

Dawlada uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo laga filayay inay is-bedel hor ah keento, ayaa waxay u ekaatay dawladii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar (Ina ILEY) oo imika maxkamaddii kaga socoto Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia marka loo eego Saddexda qodob ee kala ah:

muuse iyo macalinkiisa

Cadaalad daro: Cadaalad darada waxay ka shabahdaa xadhiga sharciga sharci-darada ah ee lagula kacayo muwaadiniinta reer Somaliland, taas oo dhawaan dhacday in Jeelka lagu xukumay dad isku-wada hayba oo aan la horkeenin Maxkamadd Cadaalad ah.

cabdi dhuux
Maamulkiisa oo dhinac qudha Ka raran: Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi inay dhinac ka raran tahay waxa tusaale kugu filan gadiidkii lagu wareejinayay dawlada Ethiopia dhawaan waxa wareejiyay saddex masuul oo isku hayb ah, kuwaas oo kala ahaa Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan-Fooxle, iyo Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Gabiley Cali-CASE, manay dhicin muddadii ay Somaliland jirtay in ay saddex masuul oo isku hayb ah inay shaqo u dirto.

Mashaariicda wax-qabad oo u baddan dhinac qudha: ha fuliso dawlad dhexe ama dawlada Hoose.taasna waxa tusaale idinku fillan afarta Waaxood ee kala ah 26-June, Waaxda Ibraahim Kood-buur, Axmed Dhagax Iyo Maxamuud-HAYBE oo laba degmo waddooyinkooda la mari kari la’a-yahay, halka labana laga dhameystiray waddooyinkooda, waxaanay afartuba kuwada yaalaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa

Md. Madaxweyne waxaad haysataa fursad aad wax kaga qaban karto dawladda  Dhexe iyo ta Hoose-ba, shacabka wanaagsan ee reer Somaliland-na way ku sugayaan Tusaale-na waxa kugu fillan Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali is-bedelka uu muddada gaaban sameeyey iyo caqabadaha uu ka talaabsaday. Madaxweyne Muusoow adiga caqabadaha ku hor-taagan ee ugu culusi waxa weeyaan Kornayl  CAARE, waxa kale ee la doonayaa inaad wax ka qabato JEEGAAN-ta.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS