BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi oo Markii Ugu Horaysay Kiraysay Dugsiyo Dawladdu Leedahay + Cidda Laga Kireeyay.
September 16, 2018 - Written by admin

inkasta oo ay Somaliland Dawladnimo taam ah, Amni iyo Deganaansho ka hana qaaday, haddana waxa si weyn loo baadi goobayaa oo la tabayaaTiirashadii Aas aasiga u ahaa Dawladnimada ee Macnaha Dawladnimadu u taagnayd, maadaama oo ay Dawladnimo tahay Shuraako, Waxa Wali Somaliland ka maqan dhan dhankii Dawladnimadu ay lahayd iyo Adeegyaddii ay umadda uga wakiilka ahayd oo marka Dalkeena la eego sii burburaya islamarkaana keeni kara in nin waliba iskii isku masruufo oo ay meesha ka baxdo Adeegii aas aasiga ahaa ee hanaanka Dawladnimo bulshadu u wadaagi jirtay ee Bilaasha ku bixi jiray ee sida wayn uga qayb qaadanayay Kalgacalka Bulshada u qabato ee dhinaca Nidaamka Dawladnimadda.

muuse is casilaad
Inkasta oo uu Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland Alle ha unaxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu hogaanka dalkan hayay Wakhti adag oo kooban islamarkaana uu kursiga ka dhaadhacay isagoo dalku qasan yahay oo aanay waxba u suuragalin ayaa waxa Halkaasi ka sii waday oo hogaanka Dalka la wareegay Alle ha unaxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal kaasi oo nasiib u yeeshay inuu Xaaladda Dalka dejiyo, uu hubka dhigo Maleeshiyo beeleedyaddii dagaalamayay, islamarkaana uu dhiso haykalkii iyo haybaddii dawladnimo.waxa uu Marxuum Cigaal markii uu Amniga Dalka Xasiliyay uu hortiiba ka bilaabay  Dhismaha Hay’addihii Dawladda isagoo si balaadhan maamulkiisa ugu fidiyay Dhamaan Gobolada dalka. Waxa uu alkumay Adeegyadii aasaasiga u ahaa Dawladnimada, Caadaladii,Waxbarashadii, Caafimaadkii Iyo Biyihii,waxaana si weyn u tiriiganayay oo la camiray Dugsiyadii Dawladdu lahayd ee hore u jiray oo qaarkood dunsanaayeen iyo cisbitaaladii,isagoo sidoo kalena ka shaqaysiiyay Wakiiladihii Biyaha oo uu markaa doonayay inuu Caasimaddaha Gobolada Dalka uu biyo ku filan wada gaadhsiiyo.
Alle ha unaxariistee, Markii uu dhintay Marxuum Cigaal ee uu Hogaanka Dalka Qabtay Daahir Riyaale Kaahin, Waxa uu halkaasi kasii waday kobcinta Hay’addaha Dawladda Iyo Muunadaytooda, Waxa uu sameeyay Daahir Riyaale Hay’addii Korontada Hargeysa,taasi oo qiime ka jaban kuwa Shirkaddaha Gaarka ah laydhka ku bixinaysay oo lagu diirsaday islamarkaana si xawlihi ugu fidaysay Caasimada, iyadoo Dawladdiisu sidoo kalena sii xoojisay Adeegyadii Dawladda ee Gobolada Dalka, Waxa uu sidoo kale Kor u qaaday Adeegga Caafimaadka Dalka isagoo mashaariicda ugu badan ee ay Hay’adduhu Bixiyaan dul dhigay Cisbitaalada Dalka si kor loogu qaado, waxa uu sidoo kale sii xoojiyay Dugsiyadii Waxbarashada Dawladda, kuwaasi oo camirnaa islamarkaana sidii la rabay u shaqaynayay, waxa waagaasi dugsiyada Dawladda ee Heer Gobol ka dhex socon jiray Tartanno iyo kedisyo Kuwaasi oo laga siidayn jiray Idaacaddaha dalka,waxa dayactir xoog ah lagu hayay Dugsiyada Dawladda iyagoo aad u bilicsanaa,islamarkaana ahaa Goob lagu soo hirto oo waalidku aanu ka leexin ubadkiisa. Waxa ay dawladdiisu sidoo kale gacan wayn ku haysay Nidaamka Cadaalada dalka iyadoo sidoo kalena gacanta ku haysay hindisayaal badan oo ay biyo ku gaadhsiinayso Caasimadda iyo Gobollada Dalkaba.

Markii ay Xukunka Dalka la wareegtay Bishii Jully sannadkii 2010-kii  Xukuumaddii u horaysay ee Kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Jeebka kala soo baxay Nidaamka (Private Capitalism)-ka oo ah nidaam Xoojinaya Hay’addaha Gaarka loo leeyahay, Waxa uu Nidaamkani asalliyan kasoo horjeeda Inay dawladnimo jirto, Waxaanu dhiirigalinayaa Kambaniyada Gaarka ah (Private Companies),Nidaamkani waxa uu aaminsan yahay in Ciidanka uun ay Dawladdu gacanta ku hayso ee wax kasta oo kale ay shirkaddaha gaarka ah ( Privates)  ay waajib tahay inay qabtaan,sida caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha. Waxa ay Dawladdii Siilaanyo bilawgii Bilaashka ka dhigtay waxbarashada dalka iyadoo aan u samayn siyaasadii lagu hagi lahaa iyo nidaamkii lagu dhaqaalayn lahaa, waxaanay arintaasi keentay inay gabi ahaanba xidhmaan Xarumihii Waxbarashada Dawladda  oo illaa hadda Duruuftaasi haysato, waxa uu  sidoo kale dad gaar ah u xidhay Manhajkii dawladda taasi oo uu ku naasnuujiyay cid gaar ah kuwaasi oo illaa imika gacanta ku haya. Waxa uu dad gaar ah ku wareejiyay Laydhkii dawladda ee Hargeysa iyo Berbera, Wakaaladdii Biyaha Berbera, Waxa uu sidoo kale Hay’addo gaar ah u leexiyay Mashaariicdii iyo deeqihii lagu horumarinayay Caafimaadka dalka,Biyaha Iyo  waxaanay taasi Shacabka nacsiisay Dawladnimada maadaama oo ay burburinee Adeeggii Aasaasiga ahaa ee Dawladnimadda jiritaankeeda ka turjumayay.
Wakhtigaa uu Siilaanyo dalka Haystay waxa burburay oo uu baabiiyay Waxbarashadii Dugsiyadda Dawlada Waxaanu xoojiyay Waxbarashadii loo doonayay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay, Waana Xaalad illaa maanta taagan. Qaar ka mid ah Dugsiyadda Dawladda ayaa illaa Hadda Xidhan kadib markii ay macalimiintii duruuf awgeed uga yaaceen. Qaarkood ayay Galin hore oo qudha woxogaa arday ahi timaadaa. Qaar ka mid ah Dugsiyadda Dawlada gaar ahaan kuwa kuyaala badhtamaha Magaalada Hargeysa ee ugu magaca waynaa waxaa lagala baxay albaabaddii iyo daaqadihii, waxaana habeenkii lagu kala iibsadaa Xashiishadda ama maandooriyayaasha, halka kuwa kalena ay xooluhu u hoydaan ama laga kireeyay dad gaar ah. waxa Xusid mudan in Galin dambe Dugsigii Sheekh Bashiir ee ka mid ka ahaan jiray dugsiyada ugu camirnaa Dawladdii Riyaale in laga Kireeyay Jaamacada Admas ee Itoobiyaanka ah,waana waxyaabaha laga dhaxlay Dawladdii Siilaanyo. Waxa dugsigan qaybo ka mid ah hore dhismayaal looga jeexay dad gaar ah arintaasi oo ay fulisay Xukuumaddii Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo imika Hogaanka Dalka Hayay Muddo Sideed bilood gaadhaysa ayaa laga dhursugayaa inuu soo nooleeyo Adeegyaddii aasaasiga ahaa ee Dawlada Sida Waxbarashadda, Caafimaadka, Laydka Iyo Biyaha kuwaasi oo ka mid ah wax yaabaha xoojiya xidhiidhka ka dhexeeya Shacabka iyo Dawladda islamarkaana ka mid ah waxyaabaha aasaasiga ah u ah  shuraakada Dawladnimo, maqnaashiyahooduna uu ka dhigan yahay Maqnaanshiyaha nidaamka Dawladnimadda. Madaxweyne Muuse Biixi lagama hayo nidaam siyaasadeed oo ku hagaajinayo Hay’addahaasi marka loo eego dadka uu u xushay Xarumihii laga maamulayay balse waxa  la eegayaa qaabka uu ku waajaho arimahaasi iyo sida uu uga hawlgalo ee uu uga gubto xaaladani waxaanay uga baahan tahay inuu Madaxweynuhu Dad Madax banaan u adeegsado soo xaqiijiya jiritaanka arintani iyo wax kasoo ogaanshiyaha Xaaladda ay ku sugan yihiin Dugsiyaddii Dawladdu.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS