BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada Somaliland Oo Soo Bandhigtay Sumadaha Cusub Ee La Siinayo Baabuurta
September 10, 2018 - Written by admin

Xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay sumadaha cusub ee loo sameeyey baabuurta.

Wasaarada gaadiidka iyo horu marinta jidadka ayaa si rasmi ah u baahisay noocyada ay yihiin sumadaha cusub ee loo isticmaalayo baabuurta.

numbers gaadhi

Xukuumada ayaa si gaar ah u kala calaamadisay sumadaha ay kala isticmaali doonaan baabuurta dawlada, kuwa shacabka, kuwa hay’addaha caalamiga iyo kuwa hay’addaha maxaliga ah.

numberada gaadiidka

Sumadahan cusub ee loo samaynayo baabuurta ayaa la filayaa inay meesha ka saaraan iibka baabuurta oo ku salaysnaa lambarka gaadhiga, iyada oo sumadaha cusub ee hada la isticmaali doonaa ay yihiin kuwo iskugu jira lambaro iyo xarfo aanla garan Karin sida ay iskugu xigaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS