BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Waddani oo Fashil Xukuumadda Muuse Ah Ku Tilmaamay Safarka Uu Madaxweyne Gaas Ku Yimid Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag
September 21, 2018 - Written by admin

Cabdilaahi Axmed (Dahab) oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukuumadihii kulmiye ee Talada isaga danbeeyay ku eedeeyay in ay Madaxweynaha Puntland u fududeeyeen socdaalka uu ku yimid Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

“Somaliland Waad Ogtihiin wakhtigii uu cigaal talada hayay waxa cashuurta laga qaadi jiray oo uu maamulku Gaadhsiisnaa meel la yidhaahdo Cawsane oo laamaday xigta, dhulka intaas le’eg waxa laga soo guuray intii Siilaanyo talada hayay, dhibaatadani waxa ay dhacday intii uu xukuumada Kulmiye talada haysay.

dahab

Maalintii la dhagax dhigayay Wadada, Jaamacada iyo Mashaariicda hadda uu furay Madaxweynaha Puntland, ayay ahayd in siyaasad laga yeesho,

mana ah in dadka milatari iyo ciidan la dul dhigo oo aan waxba loo qaban, Gobolada Bariga dadka degenina waxa ay ka cabanayaan waxa weeyaan horumarkii, waxbarashadi iiyo midnimadii midnaba lama gaadhsiinin” ayuu yidhi mar uu u waramayay Eryal.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay warshadii Kalluunka ee Laasqoray taas oo uu xusay in ay meesha ka saartay shirkad kalluunka soo saarta oo ku taala Dalka Thailand, waxaanu yidhi “Laasqoray waxa ku taalay warshad soo saarta Kalluunka, waxa meesha ka saartay oo la tartantay Warshad ku taala dalka Thailand, waxaana xukuumadd u ahayd Somaliland oo ay ahayd in ay ka joojiso” ayuu yidhi.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay socdaalka Uu Madaxweyne Gaas Ku Yimid Magaaladda Badhan waxa uu yidhi “Xilliga Uu Yimid Gaas Magaaladda Badhan maanta maaha, laakiin waxa uu yimid shan ilaa lix sano ka hor xilligii mashaariicda uu maanta isagu furayo la dhigayay ayay ahayd in Somaliland ay mashaariicdaasi joojiso, iyaguna ay kuwo cusub geeyaan, dadkana ay wax taraan” ayuu yidhi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS