BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga UCID oo Shacabka Uga Digay Bixinta Lacago Musuqmaasuq ah oo Lagaga Qaadayo Bileedh Numberka Baabuurta
September 15, 2018 - Written by admin

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga Mucaaradka Ah Ee ucid Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Shacabka Looga Baahan Yahay in Ay Diidaan Bilaydh Lambarka Cusub Ee Xukuumadu Soo Dajisay,waxaana uu Wasiirka Gadiidka Ku Edeeyay Inuu Samaystay Weel Uu Lacago Ku Qaato.

buuni

Cabdi Naasir Buuni ayaa sheegay in Xisbigoodu uu ka Digayo Lacago aan sharci ahayn in ay bixiy shacabku,waxaana uu soo jeediyay in looga baahan yahay Laamaha Sharci Dajintu in Ay Kaalintooda qataan oo ay Xukuumadda Ku ilaaliyaan Xaydaanba Sharciga.

“Waxa arinta Talaa Ay Tahay Badalkaas ay Badaleen wixii ka dambeeya ee baabuur soo dagaysa halagu xidho bilaydh Lunbarka Cusub qofkii

isagu raba inuu badashana Haloo badalo,lakiin hadii layidhaah arintaas dhaqaale halaga sameeyo dadkani bilaydh lumbarkoodu lacag ayuu ugu fadhiyay,Lakiin arintaas Musuq-Maasuq ayaanu u aragnaa waxaanu u aragnaa arin aan wadadeedii marin xeerkasta oo fulintu curinaysana waa in ay sharci dajinta gaysaa iyaduna ay ka gudataa waajibaadkee si lacag kasta oo bulshadda lagu soo rogayaa xeer u waajibiyo si ay lacagtaasi ugu dhacdo qasnadda dawladda,waxaana ay anaga xisbi ahaan arintaas loona muuqataa in si hoos loo daayay musuq-maasuqii.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay eryal tv

Intaas waxa uu ku daray guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga ucid Cabdi Naasir Buuni isaga Oo Hadalkiisa Siiwata.”Wasiiradii xukuumadii hore ee kulmiye waxaanu ku naqaanay inuu wasiir waliba samaysto lacag jeebkiisa ah, inuu wasiir walba wax waajibiyo iyadda oon la garanayn meel ay ku dhacayso,markaas anagu waxaanu leenahay dadku ma aqbali karaan iyaga oo dadku sicir barar ku jira oo culayso badani haystaan in haddana layidhaah waxaanu badalnay lanbarkii baabuurka oo waliba lacag ku qaado kuwa cusub iyaga oo markii horeba lacag ku joogtay arintaasina maaha mid sina loo aqbali karo shacabkana waxaanu leenahay ha aqbalina.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS