BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaan Buubaa oo Ganacsatdda Ugu Baaqay Inay Dhagaysato Cabashadda Ganacsatadda Warshadlayda ah ee Dalka
September 3, 2018 - Written by admin

Waxa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya xukuumada iyo ganacsarada yaryar ee warshadlayda ah, kaas oo salka ku haya cashuur dhaaf loo samayn jiray ganacsatada oo madaxweyne Muuse Biixi Laalay.

Warshadlayda ayaa dhinacooda kaga jawaabay inay cabasho ka qabaan talaabada madaxweynaha, kuwaas oo u gudbiyey warqad rasmi ah oo ay kaga cabanayaan talaabada uu qaaday.

buubaa

Hadaba Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo daba galka hantida qaranka ee golaha wakiilada somaliland xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa ka hadlay muran ka dhex taagan ganacsatada warshadlayda ah iyo xukuumada.

Xildhibaan Buubaa ayaa sheegay in xukuumada looga fadhiyo inay cadayso inay wax ka badal ku samaysay siyaasadii ay

kula dhaqmi jirtay ganacsatada yaryar ee warshadlayda ah, waxaanu yidhi “Siyaasada xukuumadu ku dhaqmayso ee dhiiri gelinta warshadaha iyo ganacsiga yaryar ayey ku xidhan tahay isbadalada yimaada, xukuumadihii gaar ahaan xukuumadii tan ka horaysay  siyaasad cad ayey ka lahayd oo sida ka muuqata cashuur dhaaf ayey u samayn jirtay si ay dhiiri gelin u helaan warshadaha yaryari” ayuu yidhi xildhibaan Buubaa oo u waramay Saabtv.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Taas macnaheedu maaha in marka warshadaha cashuurta laga dhaafo inay dadka wax kaga iibiyaan qiimaha ay doonaan, waxay ahayd inay warshadlayda waxsoo saarkeedu ka duwanaado wax soo saarka ganacsiga dibada kaga imanaya dalka balse wax faraq ah oo u dhaxeeya ma jiraan, iyaga oo dalka gudihiisa wax ka soo saaraya ayey hadana qiimahoodu la mid ahaa kuwa dibada.”

Xildhibaan Buubaa ayaa sidoo kale talo u diray ganacsatada warshadlayda ee dalka “Markaa siyaasadii loogu tala galay in lagu hago ee ahaa in cashuurta laga dhaafo iyaguna ay u jabnaadaan qiimaha ay bulshada wax ka siinayaan ayaa meesha ka baxay, markaa xukuumada ayey ku xidhan tahay inay siyaasadeeda wax ka badasho iyo inay halkii ka sii wadayso, laakiin anigu waxaan qabaa oo aan xukuumada u soo jeedinayaa inay waajib tahay in la kobciyo ganacsatada yaryar ee warshadlayda dalka cashuur dhaafna loo sameeyo, waxyaabahaas dadka taabanayana xildhibaan ahaan waxaan xukuumada ugu baaqayaa inay u dabacsanaato waayo culaysku waxa u fuulayaa bulshada.”

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS