Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta oo Afka Ka Xidhatay Ka Hadalka Xeerka Kufsiga ee Khilaafsan Diinta Suuban ee Islaamka
September 19, 2018 - Written by admin
wasaaradda diinta iyo awqaafta somaliland ayaan ilaa hadda si rasmiya uga hadal xeerka muran badan ka dhaliyay dalka oo maalmahanba si adag looga hadlayay islamarkaana si toosa uga hor imanaya sharciyadda diinta suuban ee islaamka islamarkaana uu jideeyay ilaaha raxmaanka ahoi subxaanahuu watacaalaa
wasiirka diinta iyo awqaafta iyo sidoo kae agaasimaha guud ee wasaaradaas ayaan ilaa hadda ka hadal arintan marka laga yimaado shir xeerkan loogu ololaynaayay oo uu agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo awqaaftu kaga galay hargeysa arintaas oo ay maalintii shalay si adag uga hadleen qaar kamida culimada iyo isuduwaha maroodijeex ee wasaaradaasi
isku soo wada duuboo dawladda somaliland ayaa cagta saartay dhabihii lagaga cadhaysiinaayay ilaahay subxaanahuu watacaalaa iyadoo xeerkan ay ku qoranyihiin qodobo iyo arrimo hore loogu halaagay umaddo inaga horeeyay sida qoomu luud iyo qaar kale arintaas oo halis wayn ku ah dalka waxaanay madaxda somaliland u muuqataa inay isku bedeleen masuuliyiin diinta siisanaya aduun gaaban oo aan eegayn cadaabka ka dambeeya
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS