BALIGUBADLE MEDIA
Wafti ka socda dalka Sacuudiga oo Somaliland soo gaadhay iyo ninka hogaaminaaya
September 24, 2018 - Written by admin

Warar hordhaca oo aan Helyno  ayaa sheegaaya in uu dalka soo gaadhay wafti balaadhan oo ka socda ama yimid dalka Sucuudiga, waftigaasi oo ay wararku sheegayaan in uu hogaaminaayo Major General Ahmad Hassan Mohammad Asiri oo aha la taliyaha wasiirka gaashaandhiga ee dalka Sucuudiga isla markaasina ah ku xigeenka arimaha sirdoonka ee dalkaasi.

Major General Ahmad Hassan Mohammad Asiri ayaa sidoo kale ah afhayeenka xulafada uu Sucuudigu hogaaminaayo ee weerarka ku qaaday dalka Yemen, masuulkani oo aan imaatinkiisa ayna ilaa hada ka hadal xukumadda Somaliland hadana waxa ay wararku sheegayaan in si heer sare aha loogu qaabilay madaxtooyada Somaliland isla markaasina ay waftigaasi Sucuudiga ahi ay aad uga mahada naqeen sida walaaltinimada ah ee loo soo dhaweeyay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS