BALIGUBADLE MEDIA
Ujeeddada Qoraal Iyo Warbixin Xubno Culimo, Siyaasiyiin, & Sharci-yaqaano Ahi U Gudbiyeen Golaha Guurtida
September 25, 2018 - Written by admin

Xubno ka mid ah Culimada Diinta Islaamka iyo Masuuliyiin ka kala tirsan saddexda Xisbi Qaran, iyo Sharciyaqaano ayaa kulan gaar ah  xarunta Golaha Guurtida kula yeeshay Guddiga Joogtada ee Golahaasi.

guurtida

Kulankan oo ujeedadiisu aheyd in Culimadu Golaha Guurtida uga mahadnaqdo sidii ay waajibkooda uga soo gutteen ee ay u diideen Xeerka Kufsiga, iyo waliba in Culimadu Golaha Guurtida u gudbiyaan nuqul ka mid ah qoraal ay ka diyaariyeen dhibaatada uu leeyahay Xeerka Kufsigu iyo sida uu uga soo hor jeedo Shareecada Islaamka, Xeerkan uu dhawaan ansixiyey Golaha Wakiilladu ee Madaxweyne Muuse Biixi na uu saxeexay.

Haddaba, Culimadii, Siyaasiyiintii, Sharci-yaqaanadii kulankaasi ka qayb galay ayaa markii uu soo dhammaadey ka warramay, ugu horreyn Sh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi), oo ka hadlaya halista uu leeyahay Xeerka Kufsigu ayaa waxa uu yidhi, “Xeerkani, wuxuu laalay oo uu buriyey xeer kasta oo kale ama qodob kasta oo kale oo sharci oo ka soo hor jeeda ama aan waafaqsanay xeerkan, waxaanu ku andacooday in lagu beddelay qodobada xeerkan, marka aanu eegnay xeer ciqaabeedka guud qodobada uu laalay kuwa halkan ku qoran (Xeerka Kufsiga) iyaga ayaa dhaama, marka uu yidhi qodob kasta oo sharci wuu laalay, shareecadiina way soo gelaysaa oo lama odhan shareecada ma laali karo, marka aad ciqaabtii shareecadu u dejisay meesha aad ka saarto ee aad ku beddesho mid kale waxay ka dhigan tahay shareecadii meesha waad ka saartay”. Sheekhu waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan la qeexin oo uu ka mid yahay ‘SHARCI’, sidaasi awgeedna uu laba macne oo kala duwan isla xeerkani ku sifeeyey oo kala ah Shareecada iyo shareecada loogama jeedo”.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa isuguna sheegay in xeerkani uu dhintay, waxaanu yidhi “Xeerkani wuu dhintay oo waxa dilay Dastuurka Qaranka oo xeer nool ma aha oo ma jirto cid lagu dhaqi karo oo dastuurkeenu wuxuu si cad u odhanayaa xeer kasta oo ka hor immanay shareecada Islaamku waa waxba kama jiraan, Xeerkan gole wakiillo ha ansixiyeen ama Madaxweyne ha saxeexee waa waxba kama jiraan oo cid lagu ciqaabi karaa ma jirto haba yaraatee”.

Sidoo kalena, Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa isaguna daadifeeyey Xeerka Kufsiga, “Xeerkan, qodobadii fawaaxishka ahaa ee ceebta ahaa ayaa ku jira, markaa waxaan culimada ku boorinayaa mar walba waxaad gaadh ka haysaan Diinta Islaamka, waayo weerar joogto ah ayey gaalo inagu haysaa oo waxa u adeegaya kuwo inaga mid ah oo ina laynaya”.

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Keyse oo kulankan ka qaybgalay ayaa isaguna gaashaanka ku dhuftay Xeerka Kufsiga, “Maanta waa guul oo gaalka Hargeysa jooga ee is leh si dhib yar ayaad ku dhaafin kartaa, adigoo adeegsanaya mid dadkan la diir ah ama lacag dano uu ka soo waariday dalkiisii, waxaan leeyahay dareenkaasi aanu kaga hor nimid ayaanu mar walba diyaar ugu nahay”.

Ugu dambayntiina, mid ka mid ah sharciyaqaanada kulankaasi ka qayb galay ayaa isaguna sheegay in guud ahaan Xeerkan Kufsiga laga soo dheegay xeerar ay sameysteen waddamo shisheeye oo Diin iyo Dhaqan aynaan waddaagin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS