BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Waxay Dadkii Ka Dhigtay Muwaadinka Koowaad Iyo Ka Labaad . Q.Saddexaad(3)
September 6, 2018 - Written by admin

Sinaan la’aanta.
Dhamaan akhiyaarta sharafta leh sidaad la socoteen maqaaladii horee wali waxaynu dhex mushaaxaynaa sinaan la’aanta ka jirta Soomaaliland.
Marka la yahay dowlada lana rabo in la kasbado umadda waxaa waajib ku ah cidda markaa talada dalka haysaa in ay samayso sinaan ay leeyihiin dhamaan muwaadiniinta dalka oo dhan.

Roman”,”serif”; font-size: 14pt;”>Bal aynu soo qaadano sinaan la’aanta ka jirta nidaanka dowliga ah waa mid dhan ka raran umadda wada leh Soomaaliland ay ka tirsanayaa saluug badan.
Tusaale gaaban: hab dhiska dowlad nimo waxaa ka muuqda in dad ka mid ah muwaadiniinta reer Soomaaliland ay yihiin kuwo ah muwaadinka koowaad iyo kuwo ah muwaadinka labaad.
Waxaad arkaysaa in bulshooyin badan oo ah muwaadiniin reer Soomaaliland ah laga fogeeyo xilalka qaarkii waligoodna ayna qaban qaarna aad moodo in lagu macsuuno ama lagu laaluusho.
Waxaa ka mid ah shaqaalaysiinta bulsha wada dhalatay.
Waxaa ka mid ah magacaabis danjirayaasha .
Waxaa ka mid ah deeqaha waxbarasho ee la siiyo Soomaaliland sida ciidamaha.
Waxaa ka mid kaalmooyinka la siiyo Soomaaliland iyo qaar kaloo badan bulshaduna ka dharag san tahay.
Waa inoo qaybo kale.
La soco
[email protected]

COMMENTS