BALIGUBADLE MEDIA
Shirkada DPWorld oo kala fadishay shaqaalahii muwaadiniinta ahaa iyo shaqaalihii Ajaanibka ahaa ee ay Dekada keensatay.
September 6, 2018 - Written by admin

Shaqaalaha Dekedu waxay xaq u leeyihiin in ay u doodaan xuquuqdooda iyo danahooda u gaar ka ah iyaga oo ku doodaaya mar walba in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha ajaanibka ah ee 42 ah ee shirkada DPW Dekeda Berbera uga hawlgala. Shaqaalaha Ajaanibka ee Dekeda Berbera ka howlgalaa waxay qaataan mushahar aad ubadan oo gaadhaaya £4000 -6000 oo dollar bishiiba, Gunooyin iyo lacago lagu magacaabo lacagta khatarta oo aad u fara badan waxaana ay kuwada jiraan caymis caafimaad, waxay shaqeeyaan saacado sugan, waxaana ay helaan sanadkiiba fasax badan iyo baadhis caafimaad oo sanadle ah ,halka shaqaalaha Salfatoorka ah ee dhigooda ah ee Dekeda Berbera kala hawlgaa ay qaataan mushahar aad u yar oo dhan £300- 400 bishiiba kuwaas oo aan wax daryeel ah ama xuquuq ah oo la taaban karo aan iyagu helin. .Shaqaalaha Salfatoorku waa in loo fuliyaa sheshiiskan hoose ee DPW ay hore ugu gudbiyeen heshiiskan oo ay ku cadahay xuquuqdooda oo buuxda , waana in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha 42 ah ee DPW uga shaqeeya Dekeda Berbera. Waa in heshiiskan hoose sidiisa loogu fuliyaa Shaqaalaha Salfatoorka ee Dekeda Berbera ka hawlgala:

1- Qofka gaboobay/Waasha ama xanuun aanu ka shaqayn karin ku dhaco waxaa u shaqaynaaya bedelkiisa ehelkiisa qof ka mid ah
2- Qofka shaqada ku dhawacma wuxuu Leeyahay masaariiftiisa, dawadiisa iyo mushaharkiisa uu qaadan Jiray oo aan waxba laga jarin inta uu bogsanaayo marka uu bogsadana shaqada ayuu toos u galayaa

3- Qofka ku dhinta shaqada waxaa la siinayaa xaqiisa oo dhameystiran waxaana loo qorayaa oo lagu bedelayaa ehelkiisa qof ka mid ah geerida dabadeed

4- Waa in shaqaale kasta mushaharkiisu noqdaa mid sugan oo ah ka warqada kontaratka ku qoran oo bilkasta uu joogto noqdaa

5- Waa in shaqaaluhu leeyahiin caymis lagu daaweeyo sida shaqaalaha dhigooda ah ee ajaanibka ah ee Dekeda kala hawlgala waana in wadanka dibadiisa loo qaadaa hadii an gudaha dalka lagu daweyn Karin

6- Waa in shaqsi kasta oo shaqaalaha ka mid ahi uu helaa bil fasaxa sanadkii iyo gunada labada ciidood maadaama ay yihiin dad muslimiin ah.

7- Waa in shaqaaluhu helaan baadhitaan caafimad oo dhamaystiran sanadkiiba mar

8- Waa in shaqsi kasta oo shaqaalaha ka mid ahi uu shaqeeya 8 saacadood oo ka mid ah 24 ka saacadood ee habeenka iyo maalinta, hadii loo baahdo xirfadiisana lagu kantaroolaa saacadaha dheeraadka ah ee uu shaqeynaayo. (over time ) oo lacag dheeraad ah lagu siiyaa.

9- Maadaama qalab cusub la keenaayo Dekeda waa in Shaqaaluhu helaan tabobar gudaha iyo debadaba ah si looga maarmo shaqaale badan oo ajaanib ah oo debeda laga keeno iyada shaqada muwaadiniintu qaban karaan marka la tus tuso ee tababar yar la siiyo.

Heshiiska rasmiga ah ee Shirkada DPW ay shaqaalaha Salfatoorku kula heshiiyeen waa heshiiskan sare ku xusan ,sidaa daraadeed waxaa Shirkada DPW ee macaash doonka laga codsanyaa in a ay heshiiskan saxeexdo oo sidiisa u fuliso si loogu dhaqmo oo laysu aamino oo shaqadu ugu socoto si habsami la’aan ah..

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS