BALIGUBADLE MEDIA
Saylici oo Safarkii uu Xajka Ku Tagay Siyaasadeeyay Waji Kale oo Been iyo Dacaayad Burinaysa Acmaashiisii Xajkana U Yeelay
September 6, 2018 - Written by admin

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo sanadkan tagay xajkiisii u horeeyay ayaa durba u muuqda mid la dagaalamaya acmaashii uu kusoo sameeyay xajka kadib markii uu cibaadadiisii iyo acmaashiisii kadaba keenay warar been iyo dacaayado u badan oo ku saabsan Safarkiisa xajka

FB_IMG_1536240436212

Madaxwayne ku xigeenka oo kamid ahaa ergadii islaamka ahayd ee kulanka la qaatay madaxda sucuudiga ayaa safarkiisii ka dhigay mid uu Somaliland guulo ugu soo hooyay maadaama oo aanay dawladda sucuudigu u qaabilin qadiyad siyaasi ee uu lamid ahaa marti shataftii kale ee xajka

Si kastaba ha ahaatee saylici oo maanta dalka dib ugu soo Laabtay ayaa shacabka kala xishoon waayay mala awaalka warar aan jirin iyadoo magaaladda barqadii saaka lagu sii dhajiyay boodhadh isaga iyo dhaxal sugaha sucuudiga ah taasoo aan la garanayn sababta kaliftay in lagu dhajiyo marka laga yimaado beentii xukuumadda kulmiye shacabka ku maaweelin jirtay oo laga soo gudbay bulshaduna aad u baratay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS