BALIGUBADLE MEDIA
Safiirka Somaliland Ee Kenya oo Kulan La Qaatay Danjiraha Denmarka ee Somaliland Iyo Somaliya + Qodobada Ay Ka Wada Hadleen
September 30, 2018 - Written by admin

Safiirka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cumar ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Denmark u qaabilsan somaliland iyo soomaaliya.

Danjire Baashe Cumar ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku soo bandhigay natiijada kulanka uu la qaatay safiirka dalka Denmarka u qaabilsan somaliland iyo soomaaliya ee uu kulanka kula qaatay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

baashe iyo safiirka denmark

Qoraalka danjire Baashe Cawil ayaa u dhignaa sidan:-

Waxaan kulan kula qaatay shalay safaarada Denmark Ee Ku Taala Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya Safiirada Denmark u qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Ambassador Mette Knudsen, waxaanan ka wada hadalnay arrimahan hoos ku xusan:-

1. Somaliland Inay Tix-Gelinayso Nabad Ku Wada Noolaanshaha Dalalka Ay Jaarka Yihiin.
Waxaan safiirada u caddeeyay in Somaliland doonayso inay deris wanaag Iyo walaaltinimo kula noolaato dalalka jaarka la ah siiba Somalia, laakiin Somaliland aanay u dulqaadan doonin fargelinta Somalia ku hayso Somaliland xuduudkeeda, si gaar ah waxaan uga warramay Amb Mette Knudsen dhacdadii dhawaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Putland Cabdiwali oo metelaya Somalia uu ku yimid Badhan, dawladda Somaliland na arrintaa ka hadashay oo sheegtay inay dulqaad ka sammeeyeen se haddii sidaa ay ku sii socoto lagaga fal celin doono wixii ku haboon ee ay ku difaacayso xuduudaheeda.

2. Arrimaha Doorashooyinka
Safiirada waxaan warbixin ka siiyay in Xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumada ay u socdaan wada hadalo ku saabsan sidii si mideysan loo wada xaqiijin lahaa qabsoomida doorasho xilligii loogu talo galay ku dhacda, waxaanan xasuusiyay in xisbiyada mucaaradka ahi muhiim u yihiin doorasho kasta oo somaliland xaqiijiyay, loona baahan yahay in ay ka garaabaan wakhtiga doorasha loogu talo galay qabsoomideedii inay dhawdahay sidaa darteed ay muujiyaan tanaasul Xisbiyada mucaaradka ahi.

3. Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia
Safiiradu waxay soo dhawaysay wada hadal aayo ka tashi ah oo dhex mara Somaliland Iyo Somalia, waxaanay ii balan qaaday inay door laxaad leh ka qaadan doonto wadahadaladaas.

4. Safar Ay Safiiradu ku Iman Doonto Somaliland.
Safiiradu marka ay dalka soo gaadho waxay ii sheegtay inay doonayso la kulanka Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaanay iga guddoontay salaan Iyo Mahadnaq aan uga siday Madaxweynaha JSL kaalinta Denmark ay ka qaadato horumarinta bulshada Iyo taageerida dhaqaale ee ay ku deeqdo Sanduuqa Horumarinta Somaliland “SDF”.
Ugu dambayntii Kulankaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jawi fiican oo isbarasho iyo xog warran guud ahaa waxaanay ay ii sheegtay Safiiradu in dalka Denmark taageeradii hore ee ay Somaliland siin jireen halkii kasii wadi doonaan Insha Allahu diyaar na u yihiin horumarinta xidhiidhka ka dhaxeeya Labada Dal Ee Somaliland Iyo Denmark.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS