BALIGUBADLE MEDIA
Raysal Wasaaraha Ethiopia oo Xadhiga Ka Jaray Safaaradii Itoobiya Ku Lahayd Asmara.
September 7, 2018 - Written by admin

Dawladda Itoobiya ayaa dib u furatay safaaraddii ay ku lahaan jirtay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taas oo ah tallaabadii u dambaysay ee ay dib ugu haggaajinayso xidhiidhkii labaatanka sano xumaa.

aby iyo safaarad

Munaasabbada dib loogu furayay safaaradda waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Erirtea Isaias Afwerki iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ilaa iyo hadda ma cadda wakhtiga ciidammada Itoobiya ay ka baxayaan dhulka xadka ku yaalla ee lagu muransan yahyay, kaas oo qayb wayn ka ahaa heshiiskii nabadda ee dhawaan la gaadhay.

Dawlada Itoobiya ayaa haatan u muuqata inay badashay guud ahaanba siyaasada wadamada Geeska Afrika, iyada oo u jeesatay dhinaca nabad galyada iyo wax wada qabsiga bulshooyinka ku dhaqan gobolka.

Isha Ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS