BALIGUBADLE MEDIA
Nuux Taani oo Shaqadii Ciidanka Ka Caydhiyay Saraakiil Ka Soo Jeeda Beelaha ARAB + Wararkii U Dambeeyay.
September 14, 2018 - Written by admin

taliyaha ciidanka milatariga somaliland ayaa shaqadii ka caydhiyay saraakiil ka soo jeeda ciidanka qaranka oo ka soo kala jeeda beelaha arab kuwaas oo xilal kala duwan ka hayay cidianka

taani

dhanka kale waxa dhawaan ka soo qalin jabiyay dalka ethiopia 57 sarkaal oo 54 kamid ahi ka soo jeedaan beesha taliyaha waxaana sii xoogaysanaysa cadaalad darrada baahsan ee ka dhex socota ciidanka qaranka taas oo u muuqta mid beelo gaar ah ciidanka lagaga xoraynayo

hore waxa jabhad ugu dhawaaqay taliye caare oo ka cadhooday cadaalad darro ka jirta ciidanka qaranka hadana sii xoogaysanaysa cadaalad daradda baahsan ee taliye nuux taani ku hayo ciidanka qaranka oo uu ukala abtirinayo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS