BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Sanadkii Ugu Horeeyay Muddo Xileedkiisii Kiishash Waawayn U Toshay Boobista Hantida Umadda + Dareenka Looga Baahanyahay Dadwaynaha.
September 15, 2018 - Written by admin

muuse biixi cabdi madaxwaynaha  aan qalinkiisu wada gaadhin guud ahaan somaliland balse uu ku koobanyahay deegaano gaar ah ayaa sanadkii ugu horeeyay ee muddo xileedkiisa la soo baxay kiishash waawayn oo uu ku guranayo hantida umadda kuwaas oo dadka aqoonta u leh shakhsigan ay hore u sii saadaliyeen inuu wajigiisa dhabta ah oo kana la soo bixi doono sanadka u horeeyaba islamarkaana aanu ahayn shakhsi aragti fog oo hogaamineed leh

kornayle muuse

qodobadda ugu xiisaha badan ee muuse ku kacay waxa kamid ah qorshe ay shaacisay xukuumadiisu oo ku aadan lacago dadka lagaga guranayo bileedhadda gaadiidka kuwaas oo aan ahayn uwo sharci ah islamarkaana aan ku jirin miisaaniyadda dawladda sidoo kalena aan ahayn wax maray sharci dajinta

dhanka kale dadwaynaha bileedhadda laga badalayo laga doonayo lacagta ayaa bileedhadooda hore lacag dhan 28 dolar oo hore lagaga qaaday iyagoo xaq u leh in loo badalo kaliya ama loo daayo bileedh numberadooda balse taa bedelkeeda xukuumaddu waxay soo bandhigtay qorshe mala awaal u eg oo aan ka socon karin dhanka dadwaynaha islamarkaana culays aan la aqbli karin ku ah muwaadiniinta kaas oo ah in taarikadda gaadhiga lagu badalayo lacag dhan lix boqol oo kun (600,000) taas oo aan sharciyad iyo caqliyad toona loo marin balse kaliya ay ka fikireen caqliyo ku fikiraya sidii ay umadda jeebadahooda u baadhan lahaayeen iyadoo wakhti xaadirkan laga wada dharagsanyahay duruufaha nololeed ee ay la noolyihiin muwaadiniinta somaliland

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa qaaday dariiq ka xun kii dawladii ka horaysay ee siilaanyo isagoo kiishash u soo toshay inuu ku baadho kuna dhaco hantida umadda isagoo shaadh dawladeed adeegsanaya waxaana dadwaynaha la gudboon inay ka dhiidhiyaan dulmiga xukuumaddu ku hayso muwaadiniinta aanay wax u qaban balse kaliya ay baadhato jeebadahooda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS