BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi Oo Ka Muquurtay Ka Qayb Galka Xafladii Qalin Jebinta Jaamacada Burco + Mid ka Mida Gacanyaraashiisa oo Ka Dhex Muuqday
September 7, 2018 - Written by admin

Jaamacadda Burco oo kamida jaamacadaha dalka ugu Tayada saraysa ahna jaamacadda gobolada bariga Somaliland oo Qalinjabinta ardaydeedu daba socotay Jaamacadaha Camuud iyo ta hargaisa oo Bishii dhawayd uun dhacay oo madaxwaynuhu ka qayb galay ayaa maanta munaasibaddii ardaydaasi tirada badan ku qalinjabinayeen oo ka socota Jaamacadda Burco dhexdeeda ayaa ardaydaasi oo filayayin madaxwaynaha somaliland kala soo qayb gali doono maalintoodaasi ay mudada naawilayeen ayaa sabab la’aan madaxtooyadu Jaamacadda usoo sheegtay inaanu madaxwaynuhu Jaamacadda Burco iman karin,
Agaasimaha madaxtooyada somaliland maxamed cali bile oo shalay Maruu ku sugnaa magaalada laascaanood lasoo hadlay maamulka jaamacadda burco ayaa usheegay in dawladda isagu kasocdo oo uu matalo madaxwaynaha iyo wasiirka waxbarashada,

muuse aftaag
Ardayda Boqolaalkaa ee maanta ka qalinjabinaysa Jaamacadda Burco oo gobolada bariga somaliland kasoo kala Jeedda ayaa garan la’ sababta madaxwayne Biixi uga muquurtay munaasibadda qalinjabintooda halka xafladihii sanadadii hore ee jaamacadda burco ay kasoo qayb gali jireen madaxwaynihii horee somaliland axmed siilaanyo iyo ku xigeenkiisii saylici oo wali isna ah madaxwayne ku xigeenka somaliland.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa shacabka gobolada baaxaddalee bariga oo saluugsanaa habka xukuumaddan cusub gobolada barigu u waajahday maamul ahaan iyo dhanka mashaariicaha dalka kasocda oo ay ka aradanyihiin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS