Muuse Biixi oo Cadaadis Kaga Yimi Reer Burco Dantu Ku Khasabtay Inuu War Murtiyeed Wanjal Iyo Been U Badan Soo Saaro Saq Badhkii Xalay
September 7, 2018 - Written by admin
madaxwaynaha biixi oo xafladda qalin jabinta jaamacadda burco si badheedha uga joogay inuu ka qayb galo ayaa markii uu arkay inay reer burco fahmeen localnimadiisa wuxuu niskii dambe ee xalay soo saaray war murtiyeed uu ku sheegayo inaan lagu soo casuumin xafladaas islamarkaana khaladka ay iska leeyihiin maamulka jaamacadda burco

madaxwaynaha oo markii hore ogaan u diiday ka qayb galka munaasibadda ayaa markii ardaydii qalin jabinaysay ee reer burco si adag uga hadleen sababta uu uga soo qayb gali waayay xafladda wanjal iyo been ku moosay maamulka jaamacadda
dhanka kale agaasimhiisa guud oo uu isagu xafladda u diray ayuu isna war murtiyeedka ku wanjalay kadib markii uu hadalo ardaydii qalin jabinaysay ka biyo diideen ka jeediyay munaasibadda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda ka qalin-jebiyey Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer maanta oo ay taariikhdu ahayd 06-09-2018, oo ahayd dufcadii siddeedaad ee loo qabto munaasibadda qalin-jebinta.
Hambalyadaa ka dib waxa aan Ardayda iyo waalidiinta u cadaynayaa haba-yaraatee in aanay jirin cid madaxweynaha soo gaadhsiisay marti-qaadka Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Burco ee gobolka Togdheer, sidaa awgeed waxaan u sheegayaa cid kasta oo filaysay inuu madaxweynuhu kala qayb-galo munaasibadda qalin-jebinta Ardaydaasi in aan madaxweynaha la soo gaadhsiin marti-qaadkii qalin-jebinta Jaamacadda Burco oo masuuliyada marti-qaadku saarnayd maamulka jaamacadaas.
Marti-qaadyada Jaamacaddaha dalku u fidiyaan madaxweynaha ee ka qayb galka munaasibadahooda waxa lagu wargeliyaa maalmo ka hor Waxaana masuuliyada qaladkaasi dusha ka saaran yahay maamulka jaamacadda Burco oo aan iyagu marti-qaadka munaasibada aan soo gaadhsiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland, ee ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta jaamacadda Burco, wuxuu safar u gaara oo la xidhiidha shaqadiisa ku marayey gobolada bariga Somaliland.
Ugu danbayn waxa madaxweynuhu ardaydaas qalin jebisay u rajaynayaa inaay noqdaan kuwii dalkooda diintooda iyo dadkooda ku anfaca cilmigaa ay barteen.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS