BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Awoodiisa Madaxwaynenimo Ku Tijaabinaya Jaamac Shabeel oo Waayo Adag oo Siyaasadeed La Soo Maray
September 28, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi ayaa si adag uga biyo diiday hadalo waano iyo sixid iskugu jira oo maalmihii u dambeeyay jaamac shabeel warbaahinta u mariyay madaxwaynaha iyo xukuumadiisa balse ilowareedyadda baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya inuu muuse biixi hogaanka xisbiga ku wargaliyay in anshax marin lagu sameeyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga qorshayaasha kale ee muuse wato ayaa waxa kamid ah inuu wado in shir degdega golaha dhexe xilka kaga xayuubiyaan jaamac shabeel

Jaamac-SHabeel

jaamac shabeel ayaa ahaa shakhsi si adag ugu soo dagaalamay muuse biixi wakhtigii uu xaaladda adag ku jiray waxaanu kamid ahaa shakhsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee ku hadhay garabkii muuse biixi ee hargeysa loogu awood sheegtay balse muuse biixi oo sidii caadada u ahayd madaxda afrikaanka iloobay xaaladii adkayd ee uu soo maray iyo abaalkii balaadhnaa ee jaamac shabeel ku lahaa ayaa hadda u muuqda mid awoodiisa ku tijaabinaya gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye jaamac shabeel

isku soo wada duuuboo muuse biixi ayaa muddo gaaban ku iloobay waayihii adkaa ee uu soo maray hayaanka kursiga sidoo kalena wuxuu muddo sanad ku yar ku kala diray bahwayntii xisbiga kulmiye ee mudada dheer la soo shaqaynaysay
Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS