BALIGUBADLE MEDIA
Mubaarik Taani oo Maxamed Cali Bille Ugu Awood Sheegtay Qasriga Madaxtooyadda + Muuse Biixi oo La Dhacsan.
September 7, 2018 - Written by admin

Xoghayaha madaxwayne Muuse Biixi Mubaarig taani oo mudooyinkii u dambeeyay uu xifaltan adagi ka dhexeeyay agaasimaha madaxtooyadda maxamed cali bile ayaa habeenkii xalay ahaa xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland ugu awood sheegtay agaasime bile kadib markii war murtiyeed ka soo baxay xarunta qasriga lagu sheegay inaanu agaasimaha laga dirin madaxtooyadda ee uu iskiis uga qayb galay xafladaas arintaas oo soo bandhigtay awood darrada baahsan ee dul hooganaysa agaasimaha guud ee madaxtooyadda oo isagu noqday shakhsi aad u jilicsan maadaama oo uu markii sadexaad karbaash noocan ah kula kacay mubaarig taani

maxamed cali bile

dhanka kale madaxwayne biixi ayaa isaguna la kala saftay shaqaalihiisa madaxtooyadda waxaanu doorkan la saftay xoghayntiisa uu dagaalka adagi ka dhexeeyo agaasime bile waxaanu xalay madaxwayne aad ula dhacsanaa guusha mubaarik taani ka soo hooyay agaasime bile kadib markii qoraal war murtiyeed madaxtooyadda ka soo baxay lagu karbaashay agaasimaha islamarkaana uu madaxwayne biixi raali ka ahaa karbaashkaas

isku soo wada duuboo khilaafka ayaa meel xun maraya waxaanuu gaadhay in labadan masuul todobaadkii hore muuse biixi hortiisa gacmaha iskula tagaan

isku soo wada duuboo madaxwaynaha wado ukala samayn kari la’ shaqaalihiisa madaxtooyadu sideebuu u maamuli karaa somaliland

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS