BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka Iyo Iiraan oo Hanjabaado Culus Hawadda Isu Mariyay
September 26, 2018 - Written by admin

La taliyaha arrimaha ammaanka ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, John Bolton ayaa jeediyay hadal adag oo uu ku weerarayo Iiraan, shir uu ku qabtay magaalada New York ayuu Boltonku tilmaamay Iiraan inay tahay rajiimka dilaagaah ee Mullaayaasha Iiraan,

John Bolton wuxuu sheegay in Iiraan ay wajahi doonto cawaaqib xumo waa haddii ay sii waddo beenta, qayaanada iyo dhagarta, waa sida uuhadalka u dhigay.

iran and us

wuxuu sheegay in Iiraan ay ka shaley doonto haddii ay sii waddo tallaabo kasta oo ay ku waxyeelenayso Mareykanka, muwaadiniintiisa iyo xulafadiisa.

Hadalka Bolton ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku eedeeyay Iiraan inay gobolka ka abuurayso qalalaase.

“ Iiraan waxay gobolka ka abuurtay qalalaase, dhimasho iyo burbur” ayuu

yiri Trump.

Mareykanka ayaa dhawaan Iiraan kuso roggay cunaqabatayn kaddib markii uu ka baxay sannadkii 2015-kii heshiiskii nukliyerka.

Madaxweyne Trump ayaa rumaysan in cunaqabataynta cusub ay Iiraan ku khasbi doonto inay la gasho wadaxaajood hor leh.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dalka Iiraan ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump.

Ruuxaan ayaa sheegay in aysan jirin cid Iiraan ku qasbi karta in ay timaado miiska wadaxaajoodka.

“Dal ama qaran lagu qasbi karo malahan in miiska wadahadalada ay soo fariistaan”ayu yiri Mr Ruuxani.

Hadalka Ruuxaani ayaa yimid ka dib markii madaxwayne Trump uu ku baaqay in Iiran hal meel looga soo wada jeesto.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo khudbad ka jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Mareykanka ay wadaan cadaawad ka dhan ah dalka Iiraan.

Mr Ruuxaani ayaa xusay in aysan jirin wadan dal kale u caga jiglayn kara.

Madaxwaynaha dalka Iraan Xasan Ruuxaani oo ka jawaabayay weerar dhanka afka ah oo uu madaxwayne Trump ku qaaday Iiraan ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhaama in khilaafka lagu xaliyo wadaxaajood.

“Dalka Mareykanka fahamkiisa ku aadan xiririka caalamiga waa mid kalitalisnimo,qiyaastiisu waxaa laga yaba inay saxantahay marka loo eego qaabka awooda ay u fahansayihiin, balse aysan aheyn dhanka sharci ahaanshaha iyo awoodda saxda ah., waxayna taasi ka turjumeysaa cagajugleyn iyo culeys, waxaanu rumeeysanhay ugu dambeyntii in aysan jirin wax ka wanaagsan wadaxaajood,” ayuu yiri Mr Ruuxaani.

Madaxwayne Trump ayaa isaga ku baaqay in caalamka hal meel uu uga soo wada jeesto Iiraan isaga oo ku eedeeyay rabshado ,musuqmaasuq iyo in ay xiisad ka hurinayaan caalamka.

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda ka digtay halista ay yeelan karto go’aan uu hal dhinac gaaro.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa khudbadii uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxa uu sheegay in haddii aan la helin hannaan isku xira caalamka xitaa dalalka awoodda leh aysan wax faaido ah gaari Karin.

Madaxwayne Macron ayaa ka digay in hal dal uu go’aan kaligii iska qaato taasi oo uu sheegay in ay halis yeelan karto.

“Waxay noqon doontaa sharciga ugu adag, in si sharci daro ah qofka uu ku raadsado danihiisa qaaska ah, Waxaan halkan ka cadeynayaa oo aan adkeynayaa inay tahay kalitalisnnimo, waxaayna taasi horseedi kartaa takoor toos ah, dagaal iyo isku dhac guud oo aysan cidna dani ugu jirin , xitaa qofka isu heysta inuu yahay kan ugu awooda badan”ayuu yiri Mr Macron.

Source:-BBCsomali

COMMENTS