BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi oo Hantida Dawladda ee La Dinwaangalinayo Ka Reebay Dhul Iyo Dhismayaal Dawladeed oo uu Haysto
September 6, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland kornayl muuse biixi ayaa noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee caaya caqliga umadda islamarkaana aflagaado baahsan kula kaca kadib markii uu dhawaan diiday in la diwaan galiyo dhul badan iyo dhismayaal fara badan oo gacanta ku haysto islamarkaana kamid ah hantida dawladda ee uu qabsaday mudooyinkii kala dambeeyay ee uu dalka ku sugnaa.

shirjaraaid muuse

dhulka dawladu leedahay waxa kamida beertiisa uu ku leeyahay geeddeeble oo ah beertii dawladda sidoo kale beertii cismaan dacas guriga uu ka daganyahay hargeysa iyo dhismayaal kale dhamaan hantidan waxa iska leh dawladda somaliland waxaana loo baahanyahay in la dinwaangaliyo si ay uga mid noqdaan hantida dawladda ee lagu soo celiyay gacanta dawladda

balse madaxwayne biixi ayaa xaalkiisu yahay hal xalaali nirig xalaala ma dhasho waxaanu doonayaa inuu isagu hantida dawladda bilaash ku qaato ta dadka kale ee muwaadiniinta ahi ku jiraana la diwaangaliyo

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa looga fadhiyaa inuu badka soo dhigo hantida umadda ee ku maqan islamarkaana uu joojiyo dhismayaasha ilaa hadda uu ku dhisto hantida umadda ee uga socda galbeedka hargeysa gaar ahaan xaafadda jigjiga yar

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS