BALIGUBADLE MEDIA
“Madaxtooyadii Dhalinyaro Ayaa Isku Dhex Haysata,Xukuumadanu Tahriibtii Ayay Dib U Furtay :Siyaasi Cabdilaahi Dahab
September 7, 2018 - Written by admin

Siyaasi Cabdilaahi Dahab Oo ka mid ah siyaasiyiinta sare sare ee xisbiga mucaaradka ah ee waddani ayaa sheegay in madaxtooyadii looga ariminayay qaranka somaliland ay isku haystaan Dhalinyaro yaryar oo uu sheegay in dhexdooda ay ka jirto Xafiiltan dibadda keenay khaladaadka madaxtooyadda ka dhex-dhaca oo dhan.

Cabdilaahi dahab ayaa sheegay in agaasimaha madaxtooyadda somaliland uu hadalo niyadd jab ah ula tagay ardaydii sanadkan ka qalin jabisay jaamacadda burco isla markaasina dhalinyaradii lagu soo tabcay ku dhiiri-galiyay in ay waddanka iskaga tahriibaan madaama oo aanay oolin shaqooyin,waxaana uu sheegay in xukuumadda kulmiye ay dib u furtay tahriibtii.

dahab

Dahab ayaa sidoo kale ugu horayn ka hadlay khaladaad baahsan oo ka dhextaagan madaxtooyadda somaliland iyo dhalinyaro ku xafiiltamaysay oo klhilaafkoodii sababay in madaxwaynahu ka qayb gali waayo jaamacadda burco oo arday badani sanadkan ka qalin jabiyeen.

“Gurigii Somaliland Laga Xukumayay Waa Gurigaas Waraaqaha Khaldani ka soo baxayaan,warqadii ugu horaysay ee madaxtooyadu qortay ee bilaa shaanbad iyo saxeexa ahayd ayaan anigu sheegay in  meeshaas shaqadda talaa ay wax badani ka dhiman yihiin,waxaana la sheegaa inuu hirdan dhalinyaro ka jiro ninkaas hadda jaamacadda joogay iyo kuwa madaxtooyadda ku hadhay ay si xafiiltan ah isku hayaan,waxaanse layaabay warqadda intaas leeg ee madaxwaynaha kasoo baxday ee lagu yidhi nalama casuumin,lakiin waxa ay ahayd in madaxwaynaha qorshahiisa ku jirto wakhtiga ay jaamacaddahu qalin-jabinayaan halkaas maamul xumo ayaa ka muuqata..Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal Tv

intaas waxa uu ku daray Siyaasi Cabdilaahi Dahab isaga oo hadalkiisa siiwata.”waxaan maqlayay iyana jaamacadihii kale ee nugaal iyo sanaag oo iyana soo hadlayay,waxaanan kula talinayaa iyagana u soo qora madaxwaynaha maalinta aad qalin jabinaysaa si aanu idiinku odhan maan ogayn maalinta aad qalin jabinayseen waliba qoraal kaliyi kuma filnee warbaahinta ka shegoo madaxwaynaha maalintaas ayaanu qalin-jabinaynaa dhaha ileen ardayda kale ee jaamacaddaha ka qalin-jabinaya ayaanu nahaye,arintanina waxa ay bixinaysaa shaqadda madaxtooyadda ka socota waxa ay bixinaysaa inuu is garab yaac baahsani jiro markaas hogaanka madaxtooyadu iima muuqato hogaankii qaranka waxan ka bad-baadin lahaa.

Dhinaca kale siyaasi cabdilaahi dahab waxa uu agaasimaha madaxtooyadda somaliland Maxamed Cali bile ku edeeyay in ardaydii ka qalin-jabiysay jaamacadda burco uu ku guubaabiyay in ay waddanka ka tahriibaan isla markaasina ka niyadda jabiyay waxbarashadii ay wakhtiga dheer soo wadeen isaga oo ugu badalay ficilo ay ka muuqato masuuliyadd daro.

“Masuulkii meesha ka hadlay ileen khudbadiisa waad dhagaysateene tahriiba oo waliba intaad labaatan iyo da’da sodonka jirtaan khatarta aqbala ileen waddanka shaqo mataale oo waddamadda jaarka u shaqo taga ayuu yidhi hadaad waydaana khataraha waawayn ee mushkiladaha ah aqbala oo ku dhiiradda,lakiin dayrkaas wayn oon islahaa khatartii ayay xukuumadda ka dhistay ayuu isna dumiyay oo khaladkaas wayn ayuu sameeyay,hadii aanay madaxtooyadu dirsan oo uu meesha marayay uuna is yidhi kaalinta buuxi waa sharaf lakiinta isla madaxtooyadii haday yidhahaan anagu maanu dirsanba iyana waa fariin kale oo cadaan ah sheegaysa waxa yaala madaxtooyadda ee khaladaadku ka mid yahay.

Siyaasi Cabdilaahi Dahab ayaa sheegay inaanay xukuumadda hadda taladda haysay ay gabtay siyaasadii arimaha dibada oo ay la tartami kari wayday siyaasadaha ay ciyaarayso dawlada somaliya isla markaasina ku mashquushay dhexdeeda iyo waraaqo ay iska soo daba diraan iyo kuwa bilaa saxeexa oon shaanbadna lahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS