Lambarka Cusub!!! Waa Cashuur/ Takaaliif Uu Dejiyay nin V8 Wataa!!!!. Prof-Abdi Ali Jama –
September 30, 2018 - Written by admin
Haddii aad adigu V8 wadato (laga gaday xoolaha ummadda), sidee buu miskiinka Masaariifta ka soo saara Bus, ama Booyad ama Tukhaan isaga bixin karaa Lacagta aad tidhi ku iibso Lambar cusub; kaagii hore ee lacagta lagaa siiyayna iska tuur; oo muxuu u tuurayaa saw lacag lagama siin; dee u beddel, illayn adigaa keenay lambar beddelkee. This is simple comnom sense; waar dee caqliga isagana miyaan idinka iibinaa; wallee kaasaanaan idinka iibin; waa waxa ug qaalisan ee ilaahay na siiyay!!!
Gaadiidka cusub laftiisa, kuwa xammuulka, baska, booyada, cagafta, dameer qaadiyaha IWM la soo degaya, ma dawbaa in aad cirka ku gayso lambarka oo tidhaa bixiya lacagta intaa
le’eg, halkii awal uu ka ahaa 20 dolar iyo waxaan dhaamin. Korodhka intaa le’eg xaggee laga dheelaa.
Miyaanad ogeyn dadka baabuurta raaxada wata sidaada oo kale in ay kooban yihiin marka loo eego tirada gaadiidka danleyda ah ee masaariif raadiska ah; kolay qiyaastayda, haddii aanan khaldanayn, markaad cashuurtan dejinayseen, waxa maskaxda ku hayseen kaliya ragga wata baabuurta raaxada sidiina oo kale; kuwaasi waa run oo way iska bixin karaan; laakiin maxaad ugu talogashay gaadiidika danyarta.
Ugu danbayntii, la yaab ma lahoo, waa Cashuur/Takaaliif uu dejiyay nin V8 wataa!!!!!
Cabdoo, u dha-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.
Like this:
Like Loading...
COMMENTS