BALIGUBADLE MEDIA
Jeelasha Somaliland oo U Muuqda Qaar Loo Samaystay Xadhiga Beelaha ARAB iyo GERXAJIS + Warbixin Kooban.
September 14, 2018 - Written by admin

tan iyo intii ay taladda somaliland la wareegtay xukuumadda uu hogaamiyo muuse biixi cabdi waxa isa soo taraya cadaalad darooyinka badheedhka ah ee aan laga qarsanayn indhaha shacabka kuwaas oo lagula kaco beelo gaar ah oo kamida muwaadiniinta dalka

beelaha sida khaaska ah xadhiga loogu adeegsado sifadda sharci daradda ahna xabsiyadda loogu buux dhaafiyay waxa kamid ah beelaha arab iyo gerxajis kuwaas oo buux dhaafiyay xabsiyadda somaliland islamarkaana sidii la doono loola dhaqmo iyadoon loo marin wax sharciyad ah balse loo adeegsado nidaam qabali ah oo u muuqda aargoosi uu muuse biixi ku badhtilmaameedsanayo inuu ku gumeeyo beelahan oo kamida beelaha dalka ku dhaqan

 

halka beelaha kale ee ay ugu horayso beeshiisu dambi kasta oo ay ku kacdo aan la xidhin wax talaabo ahna laga qaadan arintan ayaa isasoo taraysay mudooyinkii u dambeeyay

beelahan oo aan ilaa hadda dareemin bahdilka qabyaaladeed ee lagu hayo ayaa maalin walba laga xidhaa dad muwaadiniina kuwaas oo lagu xidho wax aan sakaaro ka biiqsan halka kuwa kale ee beesha madaxwaynuhu wax kasta oo ay sameeyaan aan xadhig iyo sharci toona la marin
arintan ayaa mudooyinkii u dambaysay lagu qaadaa dhigayay baraha internetka ee bulshadu ku kulanto

qaar kamida muwaadiniinta somaliland ayaa baraha bulshadda ka dhiibtay aragtiyahooda ku saabsan tacadiyadda xadhig ee aan beeluhu u sinayn lagu badh tilmaameedsado beelo khaas ah

dulmi1

dhanka kale sugaal oo todobaadkii hore ciidamadda amaanku ku xidheen hargeysa islamarkaana loo xidhay inuu dirayska ciidanka xidhay ayay iyana muwaadiniintu aragtidoo kaga hadleen waxaanay sheegeen in muwaadiniin kale oo sawirkan idinka muuqda oo kasoo jeeda beelaha jeegaanta aan lagu xidhin qisadan xilli ay xidheen dirayska ciidamadda waxaanay qadiyadan ku macneeyeen mid lagu badhtilmaameedsanayo beelo khaas ah

sugaal8

dhanka kale muwaadiniinta baraha bulshadda ku baahiyay aragtidooda ayaa aaminsan in xadhiga xukuumadu kula kacayso shakhsiyaad ka soo jeeda beelo gaar ahi soo dadajin karta kacdoon dadwayne maadaama oo aan waxba lala kala xishoonayn

abtirin

labadan wiil ee sawirka idinka muuqda ayaa iyaguna ah wiilal hore loogu xidhay dhacdo ugub ku ah dalka oo ay sameeyeen kuwaas oo isku khasbay inay cagaha iska dhunkadaan wiilashan oo ka soo kala jeeda beelaha gerxajis iyo jeegaanta ayaa mid kamida laga sii daayay jeelka kaas oo ka soo jeeda beelaha la baxay jeegaanta halka wali xabsiga lagu sii hayo kii kale ee ka soo jeeday beesha gerxajis

hore waxa jeelasha hargeysa ugu xidhnaa wali loogu haystaa culimo waawayn oo uu kamid yahay sheekh aadan sunne iyo 12 dhalinyaro macalimiin ah oo ka soo jeeda beesha arab

isku soo wada duuboo tani waa astaan muujinaysa aargoosi iyo bahdilaad muuse biixi ku badhtilmaameedsanayo beelahan isagoo ugu dhuumanaya shaadh dawladeed.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS