BALIGUBADLE MEDIA
Jamaal Cali Xuseen oo Farta Ku Fiiqay Cadaalad Daradda Somaliland Ka Jirta, Taageerana U Muujiyay Jabhadda Caarre
September 3, 2018 - Written by admin

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay cadaalo daro uu sheegay inay ka jirto somaliland.

Jamaal cali xuseen

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu kornaylka Jabhada samaystay ee Caare ku taageersan yahay cadaala darada uu tirsanayo, waxaanu yidhi “Way jirtaa cadaala daro oo kornayl Caarre aniga ayaa ku raacsan inay cadaala daro jirto oo aniga ayaan diidinayn inay jirto.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo u waramay HCTV.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jirto cabasho badan oo laga qabo xukuumada waxaanu yidhi “Somalilan cid aan cabanayn ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Jamaal Cali Xuseen oo u muuqda inuu isku qanciyey in la gaadhay wakhtigii uu xaqiiqada u soo bandhigi lahaa bulshada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mudadii ay jirtay xukuumada dambe ee Kulmiye ay bulshadii sii kala fogaatay waxaanu yidhi “Waxaad moodaa somaliland in dawladii dambe ee kulmiye uu tafaraaruq badani ku dhex jiro bulshada, xaga dhaqaalaha laftireedana ay dhibaatooyyin badani ka yimaadeen.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS