BALIGUBADLE MEDIA
Isku Dhacyada Itoobiya Oo Khasaare Gaystay, Tirada Dadka Loo Xidhxidhay Iyo Kuwa Jeelka Lagu Guray
September 26, 2018 - Written by admin

Dawladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay dad ay tiradooda gaadheyso 1,200 oo ruux, kuwaasoo lala xidhiidhiyey iney ku lug leeyihiin qalalaasihii siyaasadeed ee billowday labo todobaad  ka hor, sida ay booliska sheegeen.

Waa xadhigii ugu faraha badnaa ee la sameeyo tan iyo markii uu bishii April xukunka la wareegay Ra’iisul wasaaraha is baddal doonka ah ee lagu magacaabo Abiy Ahmed.

adisababa8

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku geeriyootay isku dhacyada ka socday agagaarka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, ka dib markii ay 15-kii bishan September dalkaas dib ugu laabteen hogaamiyeyaasha kooxdii hore  fallaagada u ahaan jirtay ee Oromo Liberation Front (OLF).

Hay’adda xuquuqda

aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa dalbatay in maxaabiista la sii daayo.

Marka laga soo tago dadka loo xidhay qalalaasaha awgiis, dad ay tiradooda gaadheyso 1,400 ayaa xabsiyada loo taxaabay ka dib markii weerarro lagu qaaday goobaha lagu ciyaaro khamaarka, shiishadda lagu cabo ama lagu cuno Qaadka.

Inta badan dadkaas ayaa la sii daayay, sida ay warbaahinta FBC ka soo xigatay taliyaha booliska ee Addis Ababa, Sarreeye gaas Degfie Bedi.

Dadka loo xidhay qalalaasaha awgiis ayaa loo gudbiyay saldhigga milatariga ee Tolay, kaasoo lagu bixiyo waxa loogu yeedho “tababar dhaqan celin ah” sida uu ku soo warramay wariyaha BBC-da ee magaalada Addis Ababa Habtamu Tibebu.

Dhibaatada ayaa billaabatay 13-kii bishan September xilli ay taageerayaasha OLF calammadooda sudheen qeybo ka mid ah caasimadda.

Tallaabadaas ayay qaar ka mid ah dadka deegaanka u arkeen isku day ay kooxda OLF ku dooneyso iney kula wareegto gacan ku heynta magaalada Addis Ababa.

Taageereyaal iska soo hor jeeda ayaa markaas ka dib sameeyay isku dhacyo horseeday in la xidho qeybo ka mid ah ganacsiyadii magaalada.

Qalalaasaha ayaa sii xumaaday labo maalmood ka dib, waxaana lagu dilay 28 ruux, sida ay warbaahinta FBC ka soo xigatay Jeneraal Degfie, isagoo arrintaas sheegaya.

‘Ha buuxinina xabsiyada mar kale’

Jeneraal Degfie ayaa sheegay in inta badan dadkaas ay u dhinteen garaacis loo geystay iyadoo la adeegsanayo ulo iyo dhagxaan, maadaama kooxaha iska soo hor jeeda ay dagaallamayeen, hase ahaatee ciidamada ammaanka ay dileen toddobo ka mid ah dadka isku dhacyada ay dhex marayeen.

Amnesty International ayaa tirada dadka ku dhintay rabshadahaas ka dhigtay ilaa 58 ruux.

Hay’addan ayaa cambaareysay xadhigga loo geystay dadka, waxayna sheegtay in dowladdu ay sameysay “isku day ammaan mudan oo ay ku faaruqinayso xabsiyada”, haddana aan loo baahneyn iney “dib u buuxiyaan mar kale” iyagoo xidhaya dad aan dacwado lagu soo oogin.

Bayaanka ka soo baxay Amnesty ayaa lagu yidhi “Dowladdu waa iney cusbooneysiiso dadaalkeeda ku aaddan xoojinta xushmadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha”.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa tan iyo markii uu bishii Abriil xilka la wareegay waxa uu waday isbadallo si weyn loo soo dhaweeyay.

Wuxuu xabsiyada ka sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo u xidhnaa arrimo siyaasadeed, wuxuuna xayiraadda ka qaaday ururro horay loo mamnuucay, oo ay ku jirto kooxda OLF, kuwaasoo horay loogu aqoonsanaa iney yihiin urur argagixiso.

Mr Abiy oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, ayaa loo arkayay inuu yahay shakhsiga xalka u heli kara kala qeyb sanaanta siyaasadeed ee ka jirta dalkaas.

Sannadihii ugu dambeeyay, Itoobiya waxaa ruxay mowjado mudaharaadyo ah oo ay sameynayeen dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, kuwaasoo ka cabanayay faquuq ku aaddan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Oromada ayaa ah qowmiyadda ugu tirada badan ee ku nool dalka Itoobiya.

Source:-BBCsomali

COMMENTS