BALIGUBADLE MEDIA
Isbadalka ka Dhacay Ethiopia ee saameeyey Siyaasaddii Geeska Afrika waxay fursad u noqotay sidii Dawladda Faderalka Soomaaliya u ciyaarilahayd doorkeeda dawladnimo…W/Q Axmed Ibraahin Faarax Doodi
September 7, 2018 - Written by admin

Isbadalka ka Dhacay Ethiopia ee saameeyey Siyaasaddii Geeska Afrika waxay fursad u noqotay sidii Dawladda Faderalka Soomaaliya u ciyaarilahayd doorkeeda dawladnimo iyada oo ay yaraatay macaamilkii Dawlad-goboleedyada ku bahoobay Federalkaa Soomaaliya la lahaan jireen dawladdaha dariska, siiba dhanka Ethiopia.

Fursadaha miiska u yaala Madaxwayne Farmaajo haduu si hufan uga faaiideeyo, waxa suuragal ah in Siyaasada arimaha gudaha xal loo helo ama ugu yaraan faraqa loo yareeyo.

class=”text_exposed_show” style=”display: inline;”>Laba arimood hadii laga caawiyo dawlada Muqdisho waxa hubaal ah in xalku soo dhawaan karo sida:

1. Amniga gudaha
2. Kobcinta kaabayashaa dhaqaalaha.

Arinta amniga iyo iskaashiga geeska Afrikana waxa muhiim ah in Eriteria iyo Soomaaliya saaxadda lagu soo celiyo, iyada oo cunaqabataynta saaran ee dhanka hubka ay tahay in meesha laga saaro, taasina ma aha mid ka maarmaysa Djibouti oo Eriteria xurgufi dhuleed ka dhaxayso.

Sida baryahan dadaallada lagu wadayna waxa dhawaan la filaya in iyana lasoo af-jaro.

Hadaan u soo dago, arimaha gudaha Somalia, waxa mudan in dawlad goboleedyada arintooda xal loo helo! Shirarka iyo iskaashiga dawlad goboleedyadana looga dhigo mid danta guud u adeegaya, taasina uma baahna niyad wanaag e, cida hortaagan waa in farta lagu fiiqaa.

W/Q Axmed Ibraahin Faarax Doodi

COMMENTS