BALIGUBADLE MEDIA
Guddoomiyaha UCID Oo Hargeysa Ku Qaabiley Wafti Ka Socda Dhalinyarada Dulmi Diid ee Isbedelka Ka Dhaliyay DDSI
September 9, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah Ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Dhalinyarada Dulmi Diid ee isbedelka ka dhaliyeeyay Deegaanka Soomaalida.
Waftigan oo uu hogaaminayay Cabdirashiid Cali Shucaac oo ka mid ah siyaasiyiinta Deegaankaasi ayaa waxa ay uga mahad celiyeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe sidii uu isu barbar taagay wakhtigii uu taliskii Cabdi Maxamuud Cumar ka jiray deegaankaasi.

dulmidiid iyo waraabe
hadal kooban oo uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku baahiyay Bogga uu ku leeyahay Facebookga kulankaaasi ka dib ayaa waxa uu ku yidhi “Waxa maanta Xafiiska ugu Soo booqday qaar ka mid ah Dhalinyaradii iyo aqoonyahankii dhaliyay isbadalkii Taariikhiga ahaa ee ka dhacay Deegaanka Somalida Ethiopia, oo uu Hogaaminayay C/Rashiid Cali Shucaac.

dulmidiid iyo waraabe1

Waxa ay dhalinyada iyo Aqoonyahanku iiga mahadceliyeen sidaan u bar-bar istaagay maalmihii adkaa waxaanan kula dardaarmay in ay Deegaanka ku Dhaqaan Caddaalad,Horumar iyo isjacayl”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS