Golaha Wakiiladda oo Ka Biyo Diiday Tacriifadda Taarikadda Gaadiidka + Xukuumadda oo Olole Cadaadisa Ku Haysa
September 27, 2018 - Written by admin
Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda somaliland ayaa si adag uga biyo diiday lacago xad dhaafa oo xukuumaddu ku soo rogtay taarikadda gaadiidka ee dalka laga isticmaalo kuwaas oo gadiidkii hore bileedh numberka u lahaa lagu soo rogay 60 dolar halka kuwa cusubna lagu soo rogay 100 dolar lacagtan oo ah mid aad u qaaliya marka loo eego dhaqaale xumadda dalka ka jirta ayaa hadana xukuumadda muuse biixi ee sanadkii ugu horeeyay jeebadaha u mata sidii ay u baadhan lahayd u tolatay kiishku awoodeedii ugu horaysay iskugu gaysay golaha wakiiladda si aanu u fashilmin qorshahan lacag urursiga ah ee ay wadaan golahani
dhanka kale kulamo maalmihii shalay iyo daraad ku dhex maray wasiirka maaliyadda iyo guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda ayaa lagu kala kacay kadib markii guddidaasi ka biyo diiday indho iska ridka sharciga ee uu ku indho adagyahay wasiirka maaliyaddu
waxaanay arintu u gudubtay shirgudoonka kaas oo ay xukuumaddu cadaadis ku saarayso in golaha laga aamusiiyo qadiyadan xasaasiga ah
si kastaba ha ahaatee waxa su’aasha iswaydiinta mudani tahay golaha wakiiladdu masoo dayn doonaan sidii caadada u ahaan jiryay shari daradaas mise go’aan bay ka gaadhi doonaan ay ku lalaan xeer jajajabka lacagta umadda lagu urursanayo ee wasiirka maaliyadu dabadda ka riixayo
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS