BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Cabasho Laga Soo Gudbiyay Buuga UU Qoray Wasiir Guri Barwaaqo
September 8, 2018 - Written by admin

Gudoomiye ku xigeenka golaha guurtidda Siciid Jaamac Cali ayaa sheegay in haween weynaha ciida gale ay cabasho ugudbiyeen golaha guurtidda.

Siciid Jaamac Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaanu heynaa cabasho ay noo soo gudbiyeen haween weynaha Ciidagale, xaqna waxaa ah in cidii cabaneysa ee cabasho soo gudbisa la qanciyo, oo cabashadoodu hadii ay tahay mid uu goluhu wax ka qaban karana uu ka qabto hadii kaleetana loona tilmaamo cidii hawshaasi shaqada ku leh, gudibaana aanu u saarnay cabashada haweenkaasi” ayuu yidhi

khilaaf ka taagan Buugga uu qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa mar kale soo laba kacleeyay, waxaana ay haweenka deegaanadda uu ku xusay in buuggiisu ay si weyn uga soo horjeedaan in uu buuggaasi suuqa ku sii jiro.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS