BALIGUBADLE MEDIA
Dib u Milicso Dhalliilahii Dhinaca Saami Qeybsiga Kuraasta Xukuumadda ee Madaxweyne Biixi u Jeedin Jiray Marxuum Cigaal Iyo Xaqiiqda Maanta
September 5, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mucaaradad adag soo bandhigi jiray wakhtiyaddii uu dalka Madaxweyne ka ahaa Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ay aad iskaga soo horjeedeen dhinaca siyaasadda, waxaana dhaliilahii uu u soo jeedin jiray ka mid ahaa in saamiga iyo kuraasta sare ee dalka uu Madaxweyne Cigaal ku koobay beesha uu ka soo jeedo oo keliya.

muuse iyo cigaal

Madaxweyne Biixi oo shir-jaraa’id qabtey wakhtigii Madaxweyne Cigaal, ayaa Xukuumaddii wakhtigaas ku dhalliilay dheeli uu markaa u arkaayey in uu ka muuqdey dawladnimaddii markaa jirtay, waxaana uu soo bandhigay in Wasiirkii Daakhiliga ee dawladdii Cigaal, Taliyahii Ciidamada, Guddoomiyahii Maxkamadda iyo Xeer Ilaaliyahii Qaranku ba ay ka soo wada jeedeen beesha Cigaal, waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaaya.

“Ma maanta ayaad awoodii ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin, Daakhiligii, Xaakimkii Sare, Xeer-ilaalintii, Taliye Ciidan. Ma maantaad awoodii ku soo ururisay in Suldaan idin wada xukumo, maanta haddii siyaasaddaadii halkaa ku soo ururtay waxa aan kugu la talinayaa wixii hore laguu yidhi anigoo og in aanad aqbaleyn.”.

Mas’uuliyiinta uu wakhtaas sheegay Madaxweyne Biixi isla mar ahaantaana uu Xukuumaddii Cigaal dhaliil uga dhigayey in ay yihiin mas’uuliyiin isku beel ah, ayaa kala ahaa sidan:-

Wasiirkii arrimaha gudaha Xukuumaddii Cigaal oo uu ahaa Axmed Suldaan Jaambiir,

Guddoomiyahii Maxkamadda oo uu ahaa Cabdiraxmaan Shunuu,

Taliyahii Ciidamada oo uu hayey Xasan Yoonis Habane,

Xeer ilaaliyahii qaranka oo markaa uu ku sime ka ahaa Aadan Xero-dhiig.

Hadda ba, wakhtigaas ka dib, maanta waxa xilka Madaxweynenimo gacanta ku haya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Xukuumaddiisu jirto muddo sanad ka yar, waxaana soo baxaya dhaliilo badan oo Xukuumaddiisa looggu soo jeediyo dhinaca saami-qeybsiga kuraasta sare ee dalka iyada oo weli ba wakhtiyaddaa hore uu Xukuumaddii Cigaal ku dhaliilay in Madaxweyne Cigaal taladdii dalka u gacan geliyey mas’uuliyiin isku heyb ah.

Wargeyska Waaberi, waxa uu is-bar-bar dhig ku sameynayaa, mas’uuliyiintaa uu hore carabka ugu dhuftay Madaxweyne Muuse ee uu ku dhaliilay Xukuumaddii Cigaal iyo cidda hadda heysa xilalkaa kuwo u dhigma oo ka tirsan Xukuumadda hadda jirta ee Mudane Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee hadda haya xilka waa  isku heyb Madaxweyne Biixi, halka Marxuum Cigaal ay isku heyb ahaayeen wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee hadda haya xilka waxay isku heyb yihiin Madaxweyne Biixi, halka  Cigaal na ay isku heyb ahaayeen guddoomiyahiisa Maxkamadda.

Taliyaha ciidamada Qaranka ee hadda haya xilka oo ay isku heyb yihiin Madaxweyne Biixi, halka Xukuumaddii Cigaal na ay isku heyb ka ahaayeen Madaxweynahii wakhtigaas iyo taliyahiisii ciidamada.

Xeer-ilaaliyaha guud ee hadda xilka haya, isku heyb maaha Madaxweyne Biixi, se waxa ay isku heyb yihiin mid ka mid ah ku xigeenada Xeer ilaaliyeyaasha guud oo tiradoodu badan tahay halka Madaxweyne Cigaal na ay isku heyb ka ahaayeen ku simahii Xeer ilaaliyaha guud ee wakhigaas ahaana ku xigeenkii Xeer ilaaliyaha guud.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS