BALIGUBADLE MEDIA
Dagaal U Dhexeeya Laba Beleed oo Markale Dib Uga Qarxay Gobolka Sool + Wararkii U Dambeeyay.
September 6, 2018 - Written by admin

Labo Qof ayaa ku dhintay dagaal la  sheegay in uu hada ka socdo deegaanka Dan-dan oo Qiyaastii 40 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
breaking news
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay Jiraan 5qof oo kale oo dagaalkaasi ku dhaawacmay Ilaa iyo hadana uu socdo.

Faysal Jaamac Aadan Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamo Kala dhex gala labada dhinac loo diray hase yeeshee aysan wali gaadhin.

Colaadan soo cusboonaatay ayaa hadal haynteedu Ilaa xalay ku badnayd gobolka taasi oo walaac laga muujinayo madaama an mudo dheer laga joogin heshiis ay kala qaateen labada beelood.
isku soo wada duuboo xukuumadda somaliland ayaa ku fashilntay daminta colaadaha soo noqnoqda kuwaasoo mudadii ay xukuumadani taladda haysay aad u sii kordhay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS